Xarumo Loogu Adeegayo Qoxoontiga Oo Somaliland Laga Sameeyay

0
563

Hargaysa (HP): Hay’adda caalamiga ah ee IOM iyo hay’adda boqor Salmaan foundation ayaa magaalooyinka Burco iyo Hargaysa ka hirgeliyay xarumo  loogu adeego dadka qoxoontiga ah ee wadamadda dibadda laga soo celiyo.

Waxaana maanta xarunta Hargaysa laga hirgeliyay sida wada jira xadhiga uga jaray guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakaceyaasha Somaliland iyo masuuliyiin ka kala socday hay’adaha IOM iyo Salmaan Foundation oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

Xarumahan ayaa loogu tallo galay in loogu adeego dadka reer Somaliland ee wadamadda dibadda laga soo celiyo iyo dadka barakaceyaasha ah ama qoxoontiga ah ee Somaliland ku sugan ee dib u dejinta loo samaynayo.

Dhismaha xarumahan waxaa maalgelintoodda iska kaashaday hay’adda caalamiga ah ee IOM iyo hay’adda boqor Salmaan Foundation oo mashaariic ay iska kaashadaan ka wada Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda qoxoontiga iyo barakaceyaasha Somaliland C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa uga mahad celiyay IOM iyo Salmaan Foundation xarumahan ay ka hirgeliyeen Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Saaka waxaa halkan nala jooga laba wefti oo ka kala socda, oo kala ah walaalo ka socda hay’adda khayriga ah ee boqor Salmaan, oo ka yimid wadanka Sucuudiga iyo masuuliyiin kaloo ka socda hay’adda IOM.

Waxaanay u yimaadeen in ay nagala qayb qaataan ama eegaan oo indha indheeyaan mashaariic ay ka wadaan wadanka, oo ay wada wadaan hay’adda IOM.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid ahaayeen dhismaha xafiiskan oo loogu tallo galay in lagu kordhiyo hay’adda NDRA, loogu-na shaqeeyo dadka reer Somaliland ee dibadaha laga soo celiyo, ama Yemen laga soo celiyo ama meello kale laga soo celinayo”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kaloo jirta meel kaloo xarun ah oo Burco laga dhisay, oo loogu tallo galay in ay xarun u noqoto ay isugu yimaadaan bulshadda wadanka dibadiisa ka soo noqotay, ee reer Burco ay isugu yimaadaan.

Waxaanan rejaynaynaa in kuwo kaloo intaa ka badan siday saaka noo balan qaadeen, in ay wax badan oo kale ka qaban doonaan, oo ay sii kordhin doonaan”ayuu yidhi C/kariin Xinif.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa, hay’adda IOM iyo hay’adda Salmaan Foundation, ee kahyriga ah. aad iyo aad baan iyag-na ugu mahad naqaynaa. Waad ku mahadsan tihiin waxqabadkiina iyo dedaalka aad muujiseen”.

Geesta kale waxaa halkaas ka hadlay masuuliyiin ka socday hay’adaha IOM iyo Salmaan Foundation.

“Anigoo ku hadlaya magaca IOM waxay maanta noo tahay farxad weyn, munaasibadan xadhiga lagaga jarayo dhismahan cusub, ee loogu tallo galay dadka  wadamadda dibadda laga soo celiyo.

Haddii ay noqdaan Soomaali ama haddii ay noqdaan dad kaloo qoxoonti ah. si gaara dadka ay u adeegto NDRA.

Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa NDRA iyo Case relief, sida wanaagsan ee aan uga wada shaqaynay barnaamijkani” ayay tidhi masuul u hadashay hay’adda IOM.

Dhinaca kale waxaa isna halkaas ka hadlay masuul ku hadlayay af-ka hay’adda khayriga ah ee Salmaan Foundation.

Waxaanu yidhi “Maanta waxaan halkan u joognaa in aan xadhiga ka jarto, xarunta loogu tallo galay qoxoontiga iyo barakaceyaasha oo hay’adda boqor Salmaan Foundation iyo IOM ay si wada jira u hirgeliyeen, oo Hargaysa laga dhisay”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here