Isu-duwihii Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Ee Sool oo La Dillay

0
1136

Laascaanood (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa caawa lagu dilay magaaladda Laascaanood isu-duwihii guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdillaahi Faarax (Jeeri).

Dilkaasi ka dhacay Laascaanood ayaa la sheegay in ay gaysteen koox hubaysnayd, kuwaasoo markii ay toogteen marxuumka goobta ka baxsaday.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa oo ku sugan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Soool.

Ma jirro wax war ah oo ay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ka soo saareen dilkaasi, iyagoo aan weli warbaahinta la wadaagin faahfaahinta dilkaasi iyo in ay jirto ka danbaysay.

Geesta kale, ma aha markii u horaysay oo dilal qorshaysan oo noocan ah Laascaanood loogu gaysto masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo xisbiyadda siyaasadda Somaliland ee gobolka Sool.

Waxaana jirtay in sanadkii hore ay Laascaanood ka dhaceen dilal kala duwan oo loo gaystay xildhibaan ka mid ahaa golaha deegaanka Laascaanood, iyo masuuliyiin ka tirsanaa bahda garsoorka Sool.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda si cad bulshadda ugu sheegin waxa sababay in ay Laascaanood ka dhacaan dilal qorshaysan oo lala beegsado masuuliyiinta dawladda ee gobolka Sool.

Gaar ahaana dilkan caawa ka dhacay magaaladda Laascaanood ee loo gaystay ALLE ha u naxariistee isu-duwihii guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdillaahi Faarax (Jeeri).

Inkastoo dhacdooyinkii dilalka khaarejinta ahaa ee hore magaaladda Laascaanood ay jirtay in dawladda Somaliland ay magaaladaasi ka raaftay ama ka masaafurisay dadka ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya gaar ahaana maamul goboleedka Koonfur Galbeed dabayaaqadii sanadkii hore ee 2021-ka.

Kuwaasoo sababta keentay ka saarista Laascaanood ay Somaliland kaga masaafurisay loo aaneeyay in ay iyagu gacan ku leeyihiin ama ay ka danbeeyaan dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka dhaca.

Hase yeeshee dilkan caawa ka dhacay magaaladda Laascaanood ayaa noqonaya kii koowaad ee magaaladaasi ka dhaca tan iyo markii dadka Koonfur Galbeed laga raafay Laascaanood.

Taasoo muujinaysa in aanu weli istaagin ama aan xal waara loo helin dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka dhaca, eel ala beegsado masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladda ee gobolka Sool.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here