Israsaasayn Goordhawayd Ku Dhex Martay Degmada Lafaruug Ciidan Waday Koox Ku Ciyaarta Magaca Booliska Hargeysa Iyo Shacabka Deegaanka Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
1096

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Wararka naga soo gaadhaya Β degmada Lafaruug oo kamida gobolka saaxil soona gaadhaya ayaa sheegaya in galabta fiidkii ay israsaasayni dhex martay ciidan boolis ah oo waday koox ku ciyaarta magaalada booliska hargeysa iyo shacabka degmada lafaruug.

Β 

Waxaana israasaasayntani ka curatay sida naloo sheegay kadib markii kooxda ku ciyaarta magaca booliska hargeysa oo ciyaar kusoo ciyartay magaalada burco una soo jeeday magaalada hargeysa ay qaar kamid ciyaartooyadaasi dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray qar kamida shaqaalaha hotel ku yaala degmada oo laga qadeeyo.

Β 

Waxaana shaqaalaha hodheelka ayaa iyaguna iska cabin kala horyimi dhalinyarada ciyaartooyada ah waxaana halkasi k dhashay dagaal.

Β 

Mulkiilaha huteelka rabashadu ka dhacday ayaa la shegay inuu rasaas ku furay dhalinyaradii dagaalantay iyaga oo sidoo kalena ciidankii waday dhalinyaradana ay iyaguna fureen rasaaas, waxa halkasi ka dhashay israsaasayn labada dhinac ah.

Β 

Rasaasta ay fureen labada dhinac ayaa sababin wax khasaare ah dhimasho iyo dhaawac ah Β marka laga reebo dhalinyaradii dagaalantay oo dhawacyo u gaystay mid kamid shaqaaalaha huteelka oo sida la sheegay ay ku dhaceen dhawr mindiyood iyo sidoo kale gawaadhi meesha taagnaa oo ay soo gadheen burbur dhanka muraayada ah.

Β 

Dhaawaca wiilkan ayaa loola cararay dhankaa iyo magaalada berbera, waxaana wararku sheegayaan in dhalinyaradii ciyartooyada ahayd la wada xidh xidhay laguna xidhay degmada abdaal.

Β 

Wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan gacan ka hadalka ee dhex maray dhalinyarada ciyaartooyada ah iyo shaqaalah huteelka laga cunteeyo eek u yaala tuulada lafaruug oo kamida gobolka saaxil.

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here