Isku shaandheyn kooban oo Maanta lagu sameeyay golaha wasiirada Somalia

0
846

Muqdisho, (HargeisaPress) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada, isagoo isku bedelay qaar ka mid ah wasiirrada, wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumaddiisa.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo warsaxaafadeedka u akhriyay warbaahinta, iyadoo la isku bedelay wasaarrada kala ah; Faarax Sheekh C/qaadir iyo Saalim Caliyoow Ibroow.

Haddaba isku shaandheyntu waxay u dhacday sidan:

  1. Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka, Saalim Caliyow Ibroow
    2. Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
    3. Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyada, Burci Maxamed Xamza
    4. Wasiir-u-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda, C/llaahi Maxamed Nuur
    5. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda, C/raxmaan Cabdi Cismaan
    6. Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
    7. Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, Mahad Maxamed Salaad
    8. Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha, Fahmo Axmed Nuur

Isku shaandheyntan uu sameeyay ra’iisul wasaare C/weli ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu sameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore, inkastoo dhowr jeer uu khilaaf ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirrada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta uu isku bedelka u sameeyay inay tahay in la abuuro jawi siyaasadeed oo la jaan-qaada marxaladda siyaasadeed ee uu haatan dalku marayo, isagoo u cuskaday isku shaandheyntiisa qodobka 100-aad ee dastuurka gaar ahaan xarfihiisa A iyo B.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here