Guddoomiyaha WADDANI Oo Si Adag Uga Hadlay Eedii Ay Xildhibaanada Mooshin Quutayaasha Ahi Ay U Soo Jeediyeen

0
972

Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan CiroHargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si hufan oo diblomaasi siyaasadeed ah uga hadlay hadal ay maal mihii ugu danbaysay ay qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshin quutayaasha ahi ay ku weerareen guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku eedeeyeen in uu Golaha Guurtida u gudibiyey xeer aan ahayn xeerkii ay Aqalka Golaha Wakiilada ku ansixiyeen.waxaana uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo lagu soo sameeyey Aqalka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar ay isaga iyo Saddexda guddoomiye Xisbi Qaran ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Cigaal Airport,waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay jirin wax dhibaato ah oo golaha dhexyaala,sida oo kalena waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada eeda u soo jeediyey iyo kuwa kale ee difaacayba uu u yahay Oday,waxii hawla ah ee halkaas ka jirana ay tahay wax golaha u gaar ah oo uu Golahu dhexdiisa ku dhamaysan doono.

“Horta eedaha markii la soo jeediyey waan ka maqnaa,waxaan se aan saxaafada ka maqlaayey in ugu yaraan illaa saddex jeer ay Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiro ay kula shireen xildhibaano guriga Madaxweyne ku xigeenka,waxaan markaa isleeyahay eedahaas la soo jeediyey inkasta oo aan ka maqnaa halkaas ayaa lagu soo farsameeyey eedo Golahu uu leeyahayna maaha.Xildhiibaanada hadlay iyo kuwa u jawaabayna waa mudanayaashaydii Golaha Wakiilada aniga ayaa oday u ah Golahana aniga ayaa Oday ka ah.golaha dhexdiisa waxii yaala ee isaga khuseeya gudihiisa ayaa uu kaga wada hadli doona haddii Illaahay ka dhigo.Labada golena waxaa ay leeyihiin nidaam ay isagu gudbiyaan arrimaha xeerarka nidaamkaas ayuunbaana la raacayaa wax dhibaato ah oo dhexyaala labada golena ma jiro,guddoomiye Saleebaana intaanan bixin kolay waanu is aragnay,waxaana aanu ku wada shaqayn doona nidaamka labada gole u dhaxeeya .waxaad ku kal soonaantaan Golaha Wakiilada wax dhib ah oo dhex yaala ma jiro mana qaybsana eedahaas la sheegayana waxaa uun aan qabaa in ay yihiin eedo meelo kale ka yimi oo lagu soo sameeyey”Ayuu yidhi Md:Cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale ka hadlay xil ka qaadis ay xildhibaanada Mooshin quutayaasha ahi ay sheegeen in ay guddoomiha ku samaynayaan,waxaana uu sheegay in haddii xilka xayuubinta la samaynayaa ay tahay mid sharciga waa faqsan ay tahay wax bananaan,qof kastana uu sharcigu ka sareeyo,Waxaana uu si gaara uu farta ugu fiiqay in ay Xildhibaanada Muushin Quutayaasha ah ee Qarankooda ka doorsaday in ay Lacago Xaaraan ah ay quutaan oo aanay ugu danaynayn dalka iyo dadkaba ay yihiin niman aan waxba diidin oo hadba mooshin aanay meel gaadhsiin karin ugu sacaba tumaaya Xukuumada.marka ay Xukuumadu ugu yeedhana aana ka diidayn in ay mooshin ay Xukuumadu dabada ka riixayso ay iska soo xambaartaan,hadana aanay meelna gaadhsiinayn.waxana uu si dublamaasiyadaysan uu ugu tilmamay in hadii aanay waxa ay wadaan ahayn wax macquul ay ah tahay ay umadda ka daayaan qaska iyo buuqa siyaasadeed ee ay ku furayaan.

“Kolay xil ka qaadistu haddii ay dariiq sax ah ay soo marto waa arrin iska caadi ah,waxaanan odhan lahaa qof kasta sharciga ayaa ka sareeya ama aniga ha noqdo ama mdi kale ha ha noqdee.Markaa kolay waxaa ay ila tahay haddii ay timaado oo ay dariiq sax ah ay soo marto,waxaa ay ila tahay dariiqeeda ayaa la mari doona.laakiin waxaan odhan lahaa suugaanta iyo gabayada iyo waxaas kuma wanaagsaniyee Ma dide hargooloow ha igu tuman durbaanada iyo daasadaha madhan”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro

 

Cumar C/Risaaq Cali — Hargeisa Press News Desk

hargeisapress@gmail.comGudoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here