Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Sharxay Arimo Lagaga Tabaabushaysanayo Cudurka Ebola

0
1072

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye,ayaa markii u horaysay faahfaahinka bixiyay qorsheyaal Wasaaraddiisu ugu diyaarsan tahay ka hortaga Cudurka Ebola ee fara baas ku haya Wadamada galbeedka Africa.

Waxa uu sheegay in guud ahaan meelaha laga soo galo dadka la dhigay Shaqaalaha Caafimaadka si loo baadho dadka wadanka soo galaya, iyadoo dadka lagu tuhmo cudurka ama tagay wadamada uu saameeyay dalka laga celinayso si shuruud la’aan ah.

“Waxaanu ku talo galay 53 meelood baa dalkeena laga soo gala oo ah Cirka Badda iyo xuduudaha aynu la leenahay Jabuuti,Ethiopia iyo Somalia.waxaanu tababar siinay dhamaan shaqaalaha meelahaas jooga,waxaanu keenay qalabkii lagu eegayay Xumadda,waxaanu meel u dhaw Madaarka dhignay Teendhooyin,waxaanu samaynay Foomam qofku markuu soo degayo laga buuxinayo oo ay Shaqaalaha caafimaadka is arkayaan intayna kuwa socdaalka is arag kuwa laga shakiyana dhankaas loo duwayo,ka kale ee aan muwaadinka ahayn ee Cudurka looga shakiyana waa la celinayaa.qofka Bilihii u dambeeyay ka yimid ama tagay meelaha Cudurku ka jirana waa la celinayaa.

Waxa kale oo aanu tababar siinaynaa Shaqaalaha Wasaaradda duulista iyo wasaaradda arimaha gudaha oo qaybta socdaalku ka mid tahay, si iyaguna u Ogaadaan dhibaatada Cudurka naftoodana u ilaaliyaan” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

 

Cumar C/risaaq Cali — Hargeisa Press News Desk

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY