Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland Oo Quus Ka Taagan Dhaqan-galka Heshiiskii Doorashada Laga Gaadhay+ SAWIRRO

0
960

Hargeysa, (HargeisaPress) — Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay u muuqato in madaxweynuhu ka baxay heshiiskii asxaabtu ku gaadhay in December badhtankeeda sanadka 2016-ka dalka laga qabto doorashada Madaxtooyada iyo ta wakiilada. Heshiiskaasi waxaa daraf ka ahaa xukumadda oo uu u saxeexay Madaxweyne xigeenka Somaliland,balse waxaa heshiiskaasi gaashaanka ku dhuftay Guurtida.

Heshiiska Asxaabta Mucaaradka ah,Xisbi Xaakimka iyo Xukumadda wada gaadheen dabayaaqadii bishii May ayaa dhigayay in doorashada la qabto December 2016, lagana noqdo wakhtigii guurtidu kordhisay ee ahaa in doorashada la qabto March 2017-ka.

Shirka Jaraa’id ee ay hogaanka Ucid,Waddani iyo Madasha wadatashigu wada jir u qabteen waxay ku hanjabeen inay saacaddaha ka hadhsan 26-ka June xukumadda ka sugayaan mawqifkeeda heshiiskii doorashada laga gaadhay,haddii ay jawaab ka waayaana iskugu noqon doonaan talo qaran oo xukumadda aan lagu aqoonsan.

Hogaamiyaha Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo digreeto ku soo saaro dhaqan galinta heshiiskii laga gaadhay Muddo kordhinta xukumadda “Waxay ahayd in Madaxweynuhu waajibkiisa iyo xilkiisa gutto, oo uu digreeto ku soo saaro wakhtiga doorashada. Waxaa igu maqaale ah  inaanu madaxweynuhu ilaa maanta wax digreeto ah ku soo saarin arrintii. Haddaanu nahay Asxaabta mucaaradka ah iyo Madashii Waxaanu shacabka Somaliland u sheegaynaa in heshiiskii laga gaadhay wakhtiga doorashada ee aduunka oo dhammi qaatay ee qasriga Madaxweynaha lagu saxeexay arrintii laga baxay, wixii dalkeena ka dhacana uu masuuliyaddeeda qaadi doono Madaxweynaha Somaliland” ayuu yidhi Eng Faysal.

Isbahaysiga_Xisbiyada_Somaliland

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa isna sheegay inay talo qaran oo dalka lagu badbaadiyo ka yeelan doonaan xaalka siyaasadeed ee dalka “Waxaanu jecelahay Wakhtiga madaxweynaha oo ku eeg 27-ka July darteed inaanu soo wada saaro talo qaran oo waddanka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu gaadhsiinayo, intaas baanu shacabka u sheegaynaa” ayuu yidhi Mr Cirro.

Musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa isna sheegay inaanay dawladdu ahayn mid lagu kalsoonaan karo “Haddii aanu arki wayno dhawr iyo tobanka saacdood ee ka dhimman 26-ka June go’aan ku saabsan muddo kordhinta,waxaanu soo saari doonaa inaanay xukumaddu ahayn mid la aamini karo, inay khiyaamaysay asxaabta Mucaaradka ah. Dawladda heshiis khiyaamaysay dawlad doorasho inay dalka ka qabato diyaar u ah inaanay ahayn baanu shacabka u sheegaynaa, isbahaysiga Mucaaradkuna talo ayuu iskugu iman” ayuu yidhi Aqoon yahan Jamaal.

Hadalka Isbahaysiga Mucaaradka ayaa imanaya maalmo kadib markii saxaafaddu Madaarka Cigaal ku waydiisay Madaxweyne Siilaanyo mawqifkiisa ku aadan heshiiskii Asxaabta qaranku ka gaadheen wakhtiga doorashada iyo tii guurtidu u samaysay mida uu taageersan yahay waxaanu si kooban ugu jawaabay in dalku leeyahay sharci lana raacayo wixii sharcigu yidhaahdo oo u muuqata inuu u jeedo arrinta guurtida inuu taageersan yahay, balse waxaa hore loo ogaa inuu waafaqay heshiiska Asxaabta ee guurtidu diiday.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here