Garabka Dhallinyarada Xisbiga Waddani Oo Agab Ciyaareed Guddoonsiiyey Kooxo Ka Dhisan Degmada Ibraahim Kood-buur Ee Hargeysa. + SAWIRRO

0
1009

Hargeysa, (HargeisaPress) —Mas’uuliyiinta sar sare ee garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani, ayaa agab-ciyaareed oo isagu jira direys iyo kubaddo guddoonsiiyey kooxaha Ramad iyo Odha oo ka dhisan degmada Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibad lagu guddoonsiinayey oo ka dhacday xarunta garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa, ka soo qeyb-galay guddoomiyaha garabka dhalinyarada, ku-xigeenka,af-hayeenka, xoghayaha guud, qaar ka mid ah hoggaanka garabka dhalinyarada, kooxaha agabka ciyaareed la guddoonsiinaayey iyo dhalinyar kale oo aad u tira badan.

ia

Af-hayeenka garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Md.Maxamed Siddiiq Cabdilaahi(Dhamme) oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedada agabkan ciyaareed ee ay guddoonsiiyeen dhalinyarta, waxaana uu sida oo kale sheegay in garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani uu u taagan yahay sidii loo horumarin lahaa guud ahaan dhillinyarta Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in agabkan ciyaareed ee dhalinyarta guddoonsiinayaan aanu ahayn kuwii ugu horeeyey balse ay kooxo kale oo iyaguna ka dhisan caasimada iyo qaar ka mid ahba gobalada ay ugu deeqeen agab ciyaareed oo aad u badan.

“Waa maalin salaasa 24 Jun 2015 xarunta garabka dhallinyarada heer qaran ee magaalada hargaysa, munaasibadan ujeedkeedu wuxuu yahay in labadan kooxood la gudoonsiiyo dirays iyo kubaddo ay ugu deeqeen dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani, dhallinyarada heer qaran waxay u taagan yihiin sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada Somaliland gees kasta mustqabalka dhaw iyo ka fog, maaha agabkii u horeeyay ee aanu bixinno waxa kan ka horeeyay darays aanu ku bxinay 15 bishan garoonka xawaadle bilawgii Ramadaan si aanu uga qayb qaadano horumarinta ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhallinyarada. Waad ogtihiin wasaaradii kaalinta lahayd ay gabtay oo dhallinyaradii ku hungowday, in aanay jirin wareegyo loo qabto kooxaha kobkii goboladuna uu muddo dhaafay halkaana ay ka baxday xiisihi iyo xamasadii dhallinyaradu u qabtay ciyaaraha. Waxa la hagraday sidii loo soo bandhigi lahaa hibooyinka cuddoon ee dhallinyarada cagahooda ku duugan. Garoomadii jiray waa la xaraashay xukumadduna waxay ku foogantahay hanta boob xaarana dhallinyaradiina waa la ilaabay horumarintoodi iyo kaalintay mudnaayeen, Xisbiga Waddani wuxuu aaminsanyahay in la dhiso dhallinyaro mustqabal fayoow oo la horumariyo si ay ula nolol noqdaan dhallinyarada asaagood. Ma badna agabkani waxase aan idiin sheegayaa inaanu ahayn kii u horeeyay ee aynu wada xidhiidhi doono intii awoodayada ahaydna aanan idinka hagran ee aanu idiin hurray”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Siddiiq Cabdilaahi(Dhamme).

yaq

Mid ka mid ah dhalinyartii halkaas lagu guddoonsiiyey agabka ciyaareed oo ku hadlaayey af-ka kooxaha la guddoonsiiyey agabkan ciyaareed, ayaa si aada ah uga mahad-celiyey, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida qiimaha badan ee dhalinyarta garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani ay uga fakerayaan dhalinyarta reer Somaliland ee ay matelayaan, waxaana uu yidhi:

“Sharafbay ii tahay in aan kasoo qayb galo munaasibadan qiimaha badan ee lagu gudoonsiinayo dhallinyaradii xaafadayada agabkan ciyaareed, waxaan ku hanbalyaynayaa dhallinyarada heer qaran talaabaday hore u qaadeen iyo sida ay u dareensan yihiin dhallinyarada ay metelaan qaran ahaan, aad iyo aadna waan idiin ka mahad celinaynaa”.

Guddoomiye ku xigeenka garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani, Xoghayaha guud, hoggaanka xidhiidhka ardayda jaamacadaha iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba waxaa ay ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay dhiiri-galinta dhalinyarta siiba kuwa ku fooggan ciyaaraha, waxaana ay tilmaameen in ay ka Xisbi ahaan ay diyaar u yihiin sidii dhalinyarada reer Somaliland looga shaqeyn lahaa horumarkooda, si looga hor-tago aafada Qabyaaladda iyo Tahriibta oo muddooyinkii danbe saamayn xoogga ku yeeshay dhallinyar aad u badan.

Guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Md.Maxamuud Cabdilaahi oo halkaas ugu danbeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay ka dhilinyaro ahaan ay maanta dhalinyarta ciyaaraha ugu deeqaan agab ciyaareed, waxaana uu farta ku fiiqay in ay mar walba muhiimadda ugu badan ay saari doonaan sidii loo dhiiri-galin lahaa ciyaaraha, isaga oo sida oo kalena hoosta ka xariiqay in ay ka Xisbi ahaan diyaar u yihiin mar walba horumarinta dhalinyarada Somaliland.

“Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa labadan kooxod ee horteena fadhiya sida milgaha iyo maamuska leh ee ay innoo gala soo qayb-galeen munaasibadan muunaysan, waxaad nasiib u yeelateen markii u horaysay ee la furo fiiska garabka dhallinyarada heer qaran in aad nagala soo qayb-gashaan oo aanu idin gudoonsiino hadyad kooban aanu se aaminsanahay inay tahay bilaw wanaagsan oo horseedi doonta deeqo ka balaadhan kuwa maanta. Dhalinyarada Somaliland mudday cabanayeen waxay ka cabanayeen shaqo la’aan waxay ka cabanayaan in aanay ka qayb-gelin siyaasadda dalka runtii waana dadka baahidu taabanayso ee dayacan Xisbiga Waddani wuxuu ku dhiiraday inuu yagleelo garabkii u horeeyay ee dumqraadiya ee dhallinyarada, waxaan odhan karaa waa madal lagu fikiri karo oo laguso bandhigi karo xalka mushkiladaha innagu xeeran dhallinyara ahaan. Annaguna maanta runtii ka dhalinyaro ahaan aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu agabkan ciyaareed idin guddoonsiino, waxaana aan sida oo kale idiin sheegayaa in Xisbiga Waddani uu danaynaayo sidii loo horumarin lahaa dhalinyarta Somaliland. Agabkan ciyaareed ee dhallinyarada qaranku idiinku deeqday labadiinan kooxod noqon maayan agabkii u danbeeyay waase bar-bilaw, waxaan idiinku busharaynayaa in aanu xooga saari doono bahda ciyaaraha oo qorshe muhiimi nooga yaalo”.Ayuu yidhi Md.Maxamuud Cabdilaahi.

Ugu danbeyntiina, waxaa halkaas ay garabka dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani ay si wada-jir ah agabka ciyaareed ugu wareejiyeen Labada Kooxood ee Ramad iyo Odha, iyaga oo halkaasi iyaguna si niyadsami ah uga guddoomay agabka mas’uuliyiin sare sare ee garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here