Xildhibaano Loollan Ugu Jiray Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka oo Isku Tanaasulay

0
1572

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaan Maxamuud Xayir oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland ee cusub, ee loollanka ugu jiray jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi, ayaa sheegay inuu hankiisa uga tanaasulay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ay Isbahaysiga Mucaaridku u xuleen inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad.

Shir-jaraa’id oo ay jimcaha maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa labada xildhibaan ee isu tanaasulay oo uu weheliyo Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka odayeeyay isu soo dhaweynta labada Xildhibaan, ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen sida ay uga go’antahay inay isbahaysi ahaan u dhisaan xubnaha loo xullay shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Loollanka loogu jiro qabashada xilalka Shir-guddoonka Wakiillada oo aad u soo kulullaanaya, ayaa waxa ku hirdamaya xildhibaanno ka kala tirsan xisbiyada Mucaaridka iyo Xisbiga talada haya, waxaana ilaa iyo hadda aqlabiyad xooggan ku goodiyaya dhinaca Mucaaridka oo haysta aqlabiyada xildhibaannada Golahaasi.

Hadaba, Xildhibaan Maxamuud Xayir oo ka soo baxay Xisbiga UCID oo uu sidoo kale ka tirsan yahay, Cumar Jaamac, ayaa sheegay inaanu hankiisa dhaafsanin waxka hooseeya go’aan mabdi’i ah oo uu ku taageeray xildhibaanka uu u tanaasulay.

Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, ayaa dhankiisa si weyn ugu mahad celiyay Xildhibaan Xayir oo uu ku tilmaamay siyaasi waayo arrag ah oo kamida raggii rukumada u taagay Xisbiga Kulmiye.

Cabdilaahi Yuusuf Axmed, ayaa dhankiisa ku bogaadiyey xildhibaannada isu tanaasulay, isagoo ku tilmaamay talaabo guul ah oo meesha ka saaraysa isgarabyaac iyo muwaafiqo xumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here