Horumarka Dekadda Berbera iyo Booqashadaydii W/Q. Khadar Gureyte

0
1051

Farxad-weyn ayey saaka ii ahayd in aan mar kale soo booqdo dekadda caalamiga ah ee Berbera oo runtii lagu sameeyey horumarin, casriyeyn, ballaadhin iyo dib-habeyn nidaameed oo abuuri kara jawi ganacsiyeed suurto-gelin kara kobac dhaqaale oo ka tisqaada jamhuuriyadda Somaliland, sida oo kalena fursad u ah wadamada geeska Afrika oo ay u saamaxi karto in ay si habsimi ah ay adeegyadooda ganacsi ugu isticmaalaan dekadda Berbera oo leh baaxad suurto-galnimo oo ganacsiyeed.

1681cf0c-2013-4918-8cd1-f0cdbb8ff5d5

Walow guud ahaan dawladahii kala dambeeyey ee qarankan soo maray ay ku ammaanan yihiin sida ay u horumariyeen dekadda Berbera, hadana waxa aynu maanta xusi karnaa Maareeyaha Dekadda Caalamiga ah ee Berbera Inj.Cali Xoor Xoor oo muddo dheer ahaa mashiinka iyo aabaha horumarka dekadda Berbera ee caasimadda Gobalka Saaxil!!.

db7f0610-e6dc-466f-bb12-750a6ff86a5d

Inj.Cali Xoor Xoor, waa shakhsi runtii si weyn uga qeyb-qaatay guud ahaan horumarka dalka, gaar ahaan gobalka Saaxil oo uu astaan u yahay horumarka ka socda, dhammaanteena innoo suurto-geliyey sidda habboon ee dekadda Berbera ay u noqotay dekad ay ku soo hirtaan dalalka aynu jaarka nahay oo hilaadinaaya siddii ay adeegyaddooda ganacsi ugu isticmaali lahaayeen dekadda Berbera oo ay aad ula dhaceen baaxaddeeda iyo horumarkeedaba. Qaranka Somaliland-na midhaas ayaa sharaf u ah maanta!.

60f4e7d5-afc3-45cf-9aed-a213dfe53f02

Marnaba idhaha ka qarsan mayno in aynu umadda u soo bandhigno ciddii dalkan iyo dadkaba horumar u horseeday ama u horseedi doonta, waxaana si faah faahsan aan qoraalo taxane ah idin kula wadaagi doonaa horumarada kala duwan ee ka socda dekadda caalamiga ah ee magaalada Berbera.

 

 

La soco…..!!!.

 

Ha socoto oo ha samaato Somaliland!!!.

Khadargurayte@gmail.com

Berbera/Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here