HOOBAANTA NOLOSHA!!!!! W/Q: Maxamuud Carab Cabdi (Sabuub)

0
1576

Hoobaanta nolusha waa natiijada ka dhalataya dabeecada dhafan iyo Dhaqamada kala duwan ee ay xanbaarsantahay naftu taas oo inta badan kasoo fulla dareen taban ee maskaxdu leedahay.

 

Hoobaantu waa Qaybkamida midhaha taas oo garasho u ah abqaalkii wanaagsanaa ee dhirta iyo maxsuulka ugu danbeeya ee laga dhaxlo ama laga  dheefsado dhirta xilliga gu,ga ee barwaaqada iyo badhaadhaha.

 

Halabsiga hoobaanta iyo gurashada midhaha iyo rucubta,  geedaha barwaaqoobay  bilicda quruxdasan  ee eebe ku manaystaytay magoolka dhirta  oo hirka iyo laaca laamaha  dhaayihii milicsada daymadooda iyo dhugashadooda aanay ka dhergayn kaymaha   waawayn ee gondaha isla wada galayna ayay hobaanta dhirtu ka mid tahay naftuna ay ku diirsata kuna doogsataa.

 

Siddaa si lamida ayuu qofkuna leeyahay hobaan nololeed oo dheelitir iyo Dhugasho dheeraada u noqda dadka iyo deegaanta ku xeeran , wanaaga ku dhisan hiigsiga dheer ee xalkiisu yahay in aad ku faraxdo natiijada nololeed iyo dabeecadaha wanaagsan ee qofku lasoo halgamay ayaa keena inaad u bogto naftaada dadkuna ay kula majeertaan kuuguna hambalyeeyaan wanaagsii shaqsiyadeed iyo dadaalkii dadnimada ku dhisnaa ee karti qaybisga ku dhisnaa sababta oo ah horaa loo yidhi “Noolow dadkana u Ogolow inay nolaadaan”

 

Sugaanta badanaa waa lagusoo halqabsadaa oo amaan ahaan ayay Abwaanadu u adeegsadaan iyagoo hogo tus uga dhiga bisaylka hoobaanta Dhirta iyo iyo natiijooyinkii jacaylka lagusoo beeray oo gurasho jooga , mararka qaarna waxaaba loosoo qaata bilicda san ee hablaheen.

 

Muuqaalka guud iyo oogada sare ee qofka kama turjimayso garashooyinka fog iyo fannaanimada nolosha balse waa waxa ku gadaaman nolosha oo guntiisa iyo xagiisa hoose ku soohan kuna  dhaadhacsan  kana ifaya sidda shamac baxaya oo kale.

 

Qofka waxaa Qofnimadiisa sheega cabir wiqiyadeedka ku lingaxan uurka iyo qalbiga  hoose dhadhanka iyo qiimaha noloshana waxa uu u yeela garasho xeel dheer oo abuur iyo cusboonayn leh.

 

Qofka koriinkiisa ,jirritaankiisa,  horumarkiisa , tanaad iyo tisqaadkiisa, samaha  iyo sareedadiisa waxay ku iman karaan waa gibilka dahsoon ee abuura riyooyinka iyo Hoobaanta nolosha amaba abuura barwaaqada iyo badhaadhaha nolosha wanaagsan oo sacaado iyo sareedo badan debci wanaag, dadnimo suuban,dun xarriireed ,dareen kalgacal,saaxiibtimo cudoon  , aaminnaad iyo  ruux xilkas iyo xogogaal noloeed leh hankiisuna uu sarreeyo.

 

Hadaba   maanka qofku ama maskaxduba qofka waxay u u tahay  xarunta ay kasoo unkamaan dabeecado  dhafan oo  isku jira ,kuwaasi oo  biqla ama abuura  dabeecada iyo dadnimo uu  u muujinayo qofku marka uu la dhaqmayo dadka ku xeeran iyo deegaankaba.

 

Maskaxda oo Allah “SWT” ugu Deeqay kuna galladay addoomihiisa  ayaa howlgallo badan kuwaasi oo Damiir ,Dadnimo wanaaga dhalliya taas oo maskaxdu inoo tanaadiso  feker,fahan,falanqalayn, fayooban, xasuus ku lingaxan laffoguris qoto dheer , howlkarnimo qofeed , dedaal iyo dulqaad shaqsiyadeed kaas oo farra qofka  dabacsanaa iyo dadaal ay ku dheehantahay tanaasul iyo is dhul dhigid.

 

 

W/Q:- MAXAMUUD CARAB CABDI (SABUUB)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here