Guddoomiye Cirro Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Minnesoota Iyo Nuxurka Kullan Uu La Qaatay Jahliyada Reer Somaliland + SAWIRRO

0
941
Minnesota , (HargeisaPress) —Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo oo mudooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka maraykan ,ayaa  gaadhay magaalada minsoota,halkaasi oo ay weftigu kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan,taas oo ay ku qaabileen shacabka reer somaliland ee ku dhaqan Minnesoota   .
DJJHDJG
Bulshada reer somaliland ee ku dhan Minnesoota   qaar kamid ah oo madashaasi ka haddlay ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin bookhashada guddoomiye cirro iyo weftigiisa waxaanay xuseen inuu guddoomiye cirro yahay masuul isku wadi kara bulshada somaliland oo dhan,iyagoo intaasi ku daray in hiil iyo hooba la garab tagan yihiin guddoomiye cirro iyo xisbiga uu hoggaamiyo ee WADDANI.
VKHKJL
Geesta kalena Guddoomiye c/raxmaan Cirro oo halkaas ka haddlaya ayaa  ugu horeyn uga mahad-qanay bulshada reer somaliland ee ku dhaqan  Minnesoota  sida ballaadha  ee ay u soo dhaweyeen weftiga”Reer Minnesoota  waxaan uga mahad naqayaa sida ballaadhan ee ay noo soo dhaweeyeen,intii aanu jooganay marakaynka waxaanu la kulanay xubno kala duwana oo ka tirsan dowlada maraykanka waxaanu kala haddalnay  arimo badan ,kuwaas oo ay kamid ahayd arimaha xawaaladaha lacagaha iyo cabashada bulshada reer somaliland ee ku dhaqan maraykanku ka qanaan, waxaanu u sheegnay in ay somaliland nabad tahay, isla markaana loo fududeeyo bulshada eheladooda lacagaha in ay si dhib yar ugu  xawilayaan,walaalayaal waxaan idiinku boorinayaa in aad isku duubnaataan oo aad ilaalisaan wada jirka bulshada reer Somaliland.
KKHH
qoladiinan qurbaha waxaan idiinku baaqayaa in aad ka qayb-qadataan dalka horumarkiisa oo aydaan ka qayb-qaadan hagardaamadiisa,maalgashi ku sameeya dalkiina oo ka qayb-qaata horumarkiisa,walaalayaa ka dheeraad qabyaalada iyo qolo qoloda oo isku dubanaada,Somaliland guul, Somaliland guul waad mahadsantihiin.
BBV,JVJ
GKFKF
KFK
unnamed
fkhkk

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here