Heshiis Dhexmaray Jaamacadda Abaarso Tech iyo Maxkamadda Sare Ee JSL

0
904

Hargaysa (HP): Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo jaamacadda Abaarso Tech ayaa maanta kala saxeexday heshiis waxbarasho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaana heshiiskaasi la saxeexday guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa heshiiska ku wehelinayay la taliyaha dhanka farsamada ee Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur halka Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ay wehelinayeen Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Axmed Ismaaciil Cabdi iyo Mawliid Cabdilaahi Yoonis oo kamid ah hormuudada (Deans) Jaamacadaasi.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa uga mahad-celiyay Jaamacadda Abaarso, deeqda waxbarasho iyo heshiiska ay wada gaadheen.

Waxaanu ku tilmaamay fursad-weyn oo bahda Garsoorka iyo Cadaaladda u soo hoyatay. Guddoomiyaha ayaa xusay in deeqdan iyo heshiiskanbaa ay ka faa’iidaysan doonaan qaybaha kala duwan ee Garsoorku.

Waxa kaloo uu tilmaamay in ay kamid noqon doonto fursadaha aqoon-korodhsi ee Garsoorku helo.

Guddoomiyaha ayaa tibaaxay in cilmigu yahay shayga ugu qaalisan ee jiheeya shakhsiyada qofka isla markaana u horseeda horumarka uu hiigsanayo.

Waxaanu is-dul-taagay in fursadani ay muhiim u tahay labada dhinacba haddii ay tahay Maxkamadda Sare oo matalaysa Bahda Garsoorka iyo Jaamacadda Abaarsaba.

Ugu danbayn Guddoomiyaha ayaa xusay in heshiiskani qayb ka yahay heshiisyo ay Maxkamadda Sare la gashay Jaamacadaha dalka waxaanu ugu baaqay guud ahaan hawl-wadeenada Garsoorku in ay ka faa’iidaystaan deeqda iyo heshiiska waxbarasho ee ay wada-gaadheen Maxkamadda Sare iyo Jaamacadda Abaarso.

Geestiisa Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay heshiiskan ay wada gaadheen.

Isagoona xusay in Cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan dhismaha dawladnimada, waxaanu xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay doorkooda ka qaataan horumarka Garsoorka iyo cadaaladda ee dhanka waxbarashada.

Guddoomiye Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa tilmaamay in aanay Jaamacaduhu kaliya u taagnayn in ay arday waxbaraan hase yeeshee ay u taaganyihiin in dalkooda ay wax ku soo kordhiyaan, haddii ay noqoto daraasad iyo aqoon cusub labadaba.

Gunnaanadkii wuxuu tibaaxay in Jaamacadda ay sharaf u tahay in ay la bahowday Garsoorka isla markaana ay diyaar u yihiin wixii iskaashi ah ee heshiiskani jidaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here