Hay’adda Shaqaalaha Oo Ku Dhawaaqday 28 Sanno Oo Somaliland Jirtay In Markii U Horaysay La Sameeyey Guddi Abaalmarisa Shaqaalaha Dawladda Ee Si Fiican U Guta Waajibkooda Qaranka Ugu Adeega

0
1120
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland

“28-Kii Sanno Ee Somaliland Jirtay Waxa Jiray Oo Keliya Guddida Anshax-Marinta Iyo Ciqaabaha,Sida Shaqaalaha Dawladdu U Yeeshaan Anshax-Marin Marka Ay Qalad Galaan Ayey Dhanka Kalena U Yeelaan Doonaan (Abaal-Marin)” Guddo. Sharmake Geelle

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in 28 sanno oo ay Somaliland jirtay imika la sameyn doono guddi dhiirigelin iyo abaalmarino guddoonsiinta shaqaale waynaha dawladda ee kala duwan oo markii hore kolkay qalad galaan la ciqaabi jiray balse qofka dedaale  ee shaqaale dawladdeeda aan waligii hore loo abaalmarinin oo hada wixii ka dambeeya heli doona abaalmarin uu ku mutaysan doono shaqo wanaaga iyo dedaalka uu qaranka ugu adeego.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee JSL  md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isagu qoraal uu ku shaaciyey in guddi qiimeyn iyo abaalmarin sannadle ah oo lagu dhiirigelin doono u sameyn doonta shaqaale weyn kala duwan ee qaranka Somaliland, ayaa xusay in 28-kii Sanno ee Somaliland ay jirtay Shaqaalaha Dawladdu lahayeen oo kaliya Guddi Anshax-marineed marka ay qalad galaan balse dhanka kale aanay heli jirin siyaasad u damaanad qaada Abaal-marin marka ay shaqo wanaag la yimaadaan, waxaana md  Sharmaake Geelle uu warbixin bushaaro u ah Shaqaalaha Dawladda ka soo saaray qoraal kooban isaga oo xusay in Siyaasadaha dhawaan soo baxaya ee kobcinta cudduda Shaqaalaha ay kamid tahay Siyaasadda (Qiimaynta Hawl-qabadka iyo Abaal-marinta)

Qoraal kooban oo uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:

Ku dhawaad 28-Sanno oo ay Somaliland jirtay,  xeerka Shaqaalaha Dawladda waxaa ku xusnaa oo keliye GUDDIDA ANSHAX-MARINTA oo ku cad qodobka 26-aad  iyo DEMBIYADA & CIQAABAHA oo ku xusan qodobka 28-aad . Si dhanka kale loo helo  abaal-marin shaqaale  iyo qiimayn shaqo , waxaa 16-ka siyaasadood ee dhawaan soo baxaya kamid ah siyaasadda  hagaysa “QIIMAYNTA HAWL-QABADKA SHAQAALAHA” si loo helo shaqaale hela qiimayn iyo abaal-marin ku salaysan siyaasad cad iyo habraac qodobaysan, taasi oo lagu kabi doonno  Sharciga Shaqaalaha Dawladda.  Hadii Shaqaalaha Dawladdu leeyihiin Anshax-marin waxaa iyadna iman doonta Abaal-marin!

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here