Hargeysa: Qorshe Hub-ka-dhigis Loogu Samaynayo Dhallinyarada Rabshad-wadayaasha ah

0
1091

Dhallinyarada sida mutadawacnimada ah u joojiyey rabshadaha ay samayn jireen oo qalabka ciyaaraha loogu beddelay tooriyaha iyo midniyaha ay isticmaali jireen

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Maamulka Gobolka Maroodi-jeex ee xaruntiisu tahay Caasimadda Hargeysa, ayaa hirgeliyey qorshe hub-ka-dhis loogu samaynayo dhallinyarada kala duwan ee rabshadaha iyo dambiyada abaabulan ka gaysta xaafadaha kala duwan ee Hargeysa.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex  Jaamac Xaaji Axmed Cabdi oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa shaaciyey inay dhallinyaro badan oo ka mid ah kooxaha rabshadaha sameeya, isla markaana dadka ku baadhan jiray xaafadaha Hargeysa ay ku sameeyeen hub-ka-dhigis.

Isagoo caddeeyey in da’yartaasi ay maamulka Gobolka iyo hay’adaha ammaanka ku soo wareejiyeen hubka fudud ee ay isticmaali jireen, kana mid yihiin mindiyaha iyo seefaha ay khatarta ku gaysan jireen.

Waxa kaloo uu Badhasaabku caddeeyey in kooxaha dhallinyarada ah u qabteen ciyaaro kala duwan, qalabkaas ka midka ah hubka fududna ugu beddeleen dirays iyo qalabka ciyaaraha, tallaabadaas oo uu ku sifeeyey mid dhinaca fiican loo qaaday.

“Arrintaas la xidhiidha dhallinyaradu way jirtaa (waa dhibaato jirta), booliskuna habeen iyo maalinba heegan ayey ugu jiraan sidii ay amniga uga shaqayn lahaayeen, meelo bada na waannu ku guulaysanay in dhallinyaradii sidan jiray Seefaha iyo Mindiyaha ee ku dagaalami jiray ama dadka budhcadda ah ee habeenkii istaagi jiray dariiqyada ee dadka dhibaatayn jiray in aannu u qabanay kulamo ciyaareedyo kala duwan oo ay mindiyihii soo xereeyeen oo aannu ugu beddelnay dirays iyo qalabka ciyaaraha, runtiina xaafado badan ayaannu sidaas ku guulaysanay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay weli jiraan xaafado ka mid ah Caasimadda Hargeysa oo ay ka sii socdaan rabshadaha ay sameeyaan dhallinyaradu.

Waxaannu yidhi; “Weli way jiraan xaafado ay ka sii socdaan, laakiin waxa aannu rajaynaynaa in sannadkan lagu jiro ee 2019 (haddii Ilaahay yidhaahdo) aannu hawshaas soo gabagabayno (soo afjarno), warbaahinta lafteedana waxa aannu ka doonaynaa oo looga baahan yahay in aad wacyigelintaas nagala qaybqaadataan iyo cid kasta oo ka mid ah bulshada.”

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa fariin hambalyo ah u diray dad ganacsato ah oo uu xusay inay kala shaqeeyeen tallaabooyinka kala duwan ee da’yarta looga joojin lahaa falalka rabshad-abuurka ah.

“Runtii, waxa aan halkan uga mahadnaqayaa rag ganacsato ah oo hawshaas nagala shaqeeyey, iyadoo aannu doonayno marka aannu hawlahaas soo gabagabayno in aannu siino ama guddoonsiino shahaado-sharafyo, haddii Ilaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Guddoomiye Md. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.

Dhallinyaro kala duwan oo si kooxo ah u abaabulan, ayaa markii u horaysay si iskood ah u go’aansaday inay joojiyaan rabshadaha ay samayn jireen.

Kuwaasoo hubka fudud ee ay ka mid yihiin tooriyaha iyo soodhadhka ay isticmaali jireen si mutadawacnimo ah ugu wareejiyey Ciidanka Booliska Somaliland bishii January ee sannadkan 2019-ka.

Iyadoo uu xilligaas Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland soo bandhigay hubkan kala duwan ee ay dhallinyaradu soo wareejiyeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here