Hambalyo Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdillaahi Galaal W/Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

0
1089

Waxaan halkaan Hambalyo uga dirayaa Anigoo ku hadlaya afka hogaanka dhaqanka somaliyeed Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal Oo maalintii shalay ahayd lagu caleemo sarey magaalada taarikhigaa ee QOTON DABO oo ka tirsan koonfurta gobolka Moroodijeex..

 

Waxaan Suldaanka ku hambalyeynayaa xilka loo cimaamadey ilaahayna SWT waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo..

 

Waxaan sidoo kale hambalyo balaadhan u dirayaa beelwaynta Maxamed Daauud (Guuyoobe) oo ah beesha suldaanka caleemo saartey

Iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo abtiyaal Sultaanka allaah SWT ha barakeeyo hana ka dhigo kii hogaamintiisa lagu najaxo..

 

Waxaan filayaa ruux ku dayasho Iyo raadraac ugu filan Suldaanka waa Aabihii Suldaan Maxamed Abdillahi Galaal AHU oo ahaa Suldaankii nabada JSL waxanu ahaa suldaankii qalinka Ku duugay heshiiskii Tariikhiga ahaa Ee Beelweynta Garxajis Iyo Xukuumadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal AHU dhexmarey sanadihii sagaashamaadkii..

 

Suldaan sakariye maaha suldaanka guud ee maxamed Daauud oo kaliya ee waa suldaanka tir dhaxaadka u ah isku xidhka beelwaynta garxajis.

 

Shalay waxaan maqlayey Fasal Cali Waraabe oo leh Suldaan sakariye waa Suldaan hargaysa uun waxaanse leeyahay Faysaloow sidaa maahee Suldaanku marka hore waa Suldaan Soomaaliyeed soomaali oo dhana matala beesha caleemo saarteyna waxay dagan yihiin intaan oo magaalo iyo deegaanada hoos yimaada oo dhamaantood ka baxsan gobolka maroodijeex sida..

 

XAAXI

OODWAYNE

GUCUNDHAALE

JEENYE LAAYE

RAYBAD KHAATUMO

LAANMULAAXO

GUDUBI

DABO GORAYAALE

BAARCAD

XAAJI SAALAX

CALI FAARAX

IYO DEEGAANO INTAA KA BADAN..

 

Waxaa intaa dheer degaano aad u badan oo iyaguna hoos yimaada degmada Gaashaamo ee gobolka Jaraar, degmada Daroor Iyo Deegaanada hoos yimaada.

 

Hadaba Faysal waxaan odhan lahaa Suldankan beesha caleemo saratey intaas oo degmo ayey dagaan oo uu dheeryahay gobolka Maroodijeex waxanan filayaa in ay haboontahay in aad hadalkii shalay raali galin ka bixiso….

 

 

G.ururka C&SS EE SIME

Ahna Qoraha barnaamijka Qalinka nabada somaliyeed…

 

Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here