Halyeeygii Kubbadda Kolayga NBA Kobe Bryant oo Shil Diyaaradeed Ku Geeriyooday

0
2854

California (Hargeisa Press)- Ciyaaryahanka kubadda koleyga ee u dhashay dalka Mareykanka, Kobe Bryant ayaa ku dhintay shil diyaaraded, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay taageerayaashiisa oo ku kala sugan dunida.

Byrant oo 41 jir ahaa iyo gabadhiisa Gianna oo 13 jir ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay shilka diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ku dhacday degmada Calabasas Axaddii kaddib markii hawada ay ceeryaamo ka jirtay., waxaana ku dhintay 9 qof.

Ma jirin cid ka badbaaday shilkaas.

Bryant, wuxuu u ciyaari jiray kooxda LA Lakers ee dalka Mareykanka, waxaana lagu tiriyaa inuu kamid yahay ciyaaryahanada ugu wanaagsan kubadda koleyga.

Bryant iyo gabadhiisa ayaa u socdey tartan kubada Koleyga ah oo ay dhalinyaradu lahaayeen.

Bryant ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca u isticmaali jirey inuu gurigiisa uga baxo marka uu ciyaaraha tagayo.

Ciyaaryahanada ka tirsan kubadda koleyga ee guud ahaan Mareykanka ayaa aamusay daqiiqado si ay u xusaan Kobe Bryant.

Meelo badan oo ka tirsan Mareykanka waxaa ka socdaa munaasabado loogu baroordiiqayo ciyaaryahanka geeriyooday.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here