Laascaanood: Shirkadda GTS Oo Wasaaradda Gaadiidka Ku Wareejisay Qalabka Daabacaadda Buugaagta iyo Liisamadda Baabuurta

0
1070

Laascaanood (HP): Shirkadda GTS faraceedda gobolka Sool ayaa manta si rasmiya ugu wareejisay wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland qalabka daabacaadda buugaagta iyo liisamadda gaadiidka oo ay markii hore wasaaradda wakil uga ahayd.


Iyadoo wefti wasaaradda gaadiidka ka socda oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Cumar C/laahi Sayid, oo hawlo shaqo ku jooga goboladda bariga Somaliland oo ay wehelinayaan xubno farsamo yaqaano ah.


Weftigan oo u jeedadda socdaalkoodu ahaa dhaqan gelinta wareegtadii madaxweynaha Somaliland ee ahayd wareejinta qalabka daabacaadda buugaagta iyo liisamadda gaadiidka.


Iyadoo markii hore ay wasaaradda gaadiidka Somaliland wakiil uga ahayd arrintaasi shirkadda GTS oo ah shirkad gaar loo leeyahay. Basle uu madaxweynaha Somaliland sanadkii hore wareegto lagu joojinayo ka soo saaray.


Waxaanay weftigan agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidku hogaaminayo kulan kula yeesheen xafiiskiisa badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo uu wehelinayay maayarka Laascaanood iyo isu-duwaha wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland ee gobolka Sool.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here