Hal Ruux oo Ku Dhaawacmay Mudaharaad Ka Dhacay Boorama iyo Xiisad Cakiran oo Magaalada Ka Taagan

0
3577

Boorama (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay mudaharaad xoogan oo khasaare sababay.

Waxaana Mudaharaadkan ayaa waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay Hal ruux.

Mudaharaadkan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii magaalada laga hor istaagay in uu gudaha u soo galo Ugaaska Beelaha Samaroon.

Waxaana magaalada Boorama ka taagan xiisad cakiran oo lala xidhiidha arintan soo geli taanka Suldaanka ee magaalada.

Muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagnayd xiisad la xidhiidha saami qeybsiga Golaha Wakiillada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here