Sahra Halgan Oo Xus Kooban U Samaysay Maalinta Shuhadada SNM iyo Xukuumadda oo Ciidan dul dhigtay

0
893

Hargeysa, (HargeisaPress) — Mujaahidada ahna Fannaanada Caanka ah ee Sahra Halgan iyo Mujaahidiin tiro badan ayaa maanta Xus kooban u sameeyay Maalinta Shuhadada SNM eek u beegan 17-ka Bishan October ka dib markii Xukumaddu ka hor istaagtay Hotelka Hiddo dhawr oo lagu qaban lahaa Xus ay qabanqaabisay Sahra Halgan.

Xus lagu qabtay Taaladda Cabdillaahi Askar oo ku dhaw Hotelka Sahra Halgan ee Ciidanku la wareeggay oo ku dhaw Miiska Saraakiisha, ayaa waxay Mujaahidiintu ugu duceeyeen Shuhadada SNM, iyagoo faataxada u maray intii dhimatay inta Noola Nolol fiican Illaahay uga rajeeyey.

Waxay sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaameen in Masuuliyiinta Amniga u qaabilsan Somaliland iyo Xukumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay hor istaagto xusuusta Mujaahidiintii SNM oo hadda 30 sano ka soo wareegtay wakhtiga loo Asteeyay islamarkaana dadka lagu xasuusinayo taariikhdoodii.

HIDA DHAWR

“Anigu maanta wuxuun baan u baahnaa in inta la isku yimaado Faataxada Loo maro Nimankii dalkan u soo halgamay ee waxan suuro galiyay laakiin, waxay igu noqotay markaan Askartii Somaliland aan Hiddo dhawr ugu imid ee ay iskaga kaayo Hor taageen inaanu Xusno raggii wadankan u soo halgamay, iyadoo waliba aan anigu kaligay is-xilqaamay anoon cid kale waxba waydiin, dee waxaaban filaayay in laygu hambalyeeyo oo la yidhii hawl baad naga furatay” ayay tidhi Sahra Halgan oo ka hadashay Xuska Shuhadada SNM.

Sahra Halgan waxay sheegtay in Xukumadda ku wargalisay in Xuskani yahay Mid siyaasad ka madhan “waan u sheegay oo wax siyaasadaysan may ahayn, waana kuwii u suuro galilayay kuwa la xusayaa kuwan Siyaasadda isku haysta.markaa in maanta la iidiido waa wax laga xumaado.

Waa wax laga xumaado in Warancadde iyo Fadal intay Askar soo kexeeyaan ay dhigaan Hiddo dhawr, damiirkooda ku kalifay in Anigoo Sahra Halgan ah oo xusaya Rag aan gacantayda ku dhayay iyo kuwo Gacantayda ku dhintay, iyaga laftigooda ayay calaamatul su’aal saaran tahay, ma muwaadiniin Somaliland ahbaa mise waa dad doonaya uun inay wadanka Xilkaas ku haystaan”

CIIDAN ILAALIYNAYA XARUNTA HIDA

Xukumadda Oo Saaka ku wareejisay Ciidan Hotelka Sahra Halgan

Ciidan Boolis ah Ayaa Saaka la dul dhigay Hoteelka Fannaanada Caanka Ah ee Sahra Halgan ee Hargeysa. Hotelka ayaa la filayay in lagu qabto Xuska Shuhadada SNM ee ku beegan 17-ka October.

Booliska ayaa la dhigay Jidka laga galayo Hoteelka Hiddo Dhawr ee Sahra Halgan,kuwaasi oo celinaya dadka doonaya inay galaan Xaruntaasi. Xarunta ayaa loogu tala galay in maanta lagu qabto Xuska Shuhadada SNM oo Jimcaha ku beegnayd balse hore loo soo dhigay. Xuska waxaa iskeed u qabanqaabisay Sahra Halgan.

Xalay ayaa Sahra Halgan Wasaaradda Arimaha guduhu u dirtay Warqad lagu amray inaanay qaban Karin Xuskaasi islamarkaana ay qabashada Xuskaasi masuul ka yihiin Jimciyadda Mujaahidiinta SNM.

Shalay ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Jimciyadda Sooyaal ee Mujaahidiintu sheegay inaanay cid kale qaban Karin Xuska SNM isagoo Eedaymo kulul u jeediyay dad uu sheegay inay ku hawlan yihiin Arimaha Mujaahidiinta.

Arintan ayaa u muuqata in Xukumaddu siyaasadaysay Xuska Maalinta Shuhadada SNM oo horeba aan si meeqaam sare ah loogu xusi jirin islamarkaana lagu dhaliiili jiray sida Wasiirada Xukumaddu aanay uga qayb gali jirin Xuskaasi.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here