Gudoomiyaha Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Hadlay In Doorashada Madaxtooyadu Dib U Dhacayso Iskana Difaacay Eedaymo Losoo Jeediyay

0
1051
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdiqaadir Imaan Warsame ayaa maanta ka hadlay in doorashada madaxtooyada Somaliland dib u dhacayso isla markaana ay saamayn ku yeelanayso abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolada bariga Somaliland.

Waxaaa uu Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame uu sheegay inay iyagu dhankooda ay diyaar garow ugu jiraan inay dalka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah taasi oo loo qoondeeyey inay qabsoonto horaanta sanadkan soo socda ee 2017-ka waxaana isagoo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi sida tan.

“Farsamo ahaan anagu qorshahayagii waa halkiisii waana wadnaa farsamadii lagu gaadhayay 2017-ka doorashadii madaxwaynaha inay qabsoonoto Allena subxaanahuu watacaalaa mid xor oo xalaala inooga dhigo, anagu farsamo ahaan waan qabanaynaa laakiin xaalada abaartuna alla haynaga soo jabiyee waa mid u taala heer qaran,markaa heer qarana in looga wada tashado ayaan doonaynaa heerka la mari doono,laakiin farsamadii loo igmaday komishanka doorashooyinka qaranku ilayn qolo walba shaqo ayay leedahay ee shaqadaydii lama odhan karo waanu gabnay waana u taagnay shaqadaa”sidaas ayuu yidhi mudane Cabdiqaadir Imaan Warsame

Dhanka kale Cabdiqaadir Imaan Warsame waxa uu gudida komishanka ka difaacay eedaymo bulshada uga yimi oo ah in lagu tilmaamay inay yihiin guddidii ugu jilicsanaa ee Somaliland soo mara waxaana uu yidhi

“Ishaa Macalin ah anagu labadaa sanadood ee aanu hadda joognay wax badan ayaanu qabanay hadii aan la is indho tirayn,shaqadan aanu qabanay iyo diiwaangalintan aanu samaynay ee lixda bilood inoo socotay waa wadankii ugu horeeyey ee qabta diiwaangalin isha bu’deeda la sawirayo waa wadankii ugu horeeyey ee qabta markaas taas ma la odhan karaa waxa qabtay guddi jilicsan ama xubno kamid ahi ay jilicsan yihiin waa maya jawaabtu”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Cabdiqaadir Iimaan Warsame gudoomiyaha gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Gabagabadiina dhawaaqan maanta kasoo yeedhay gudoomiyaha gudida komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ay mudooyinkii u danbeeyey soo if baxayeen warar sheegaya in dib u dhac ku imanayso doorashadii madaxtooyada Somaliland oo loo balan san yahay inay qabsoonto bisha March 2017-ka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here