Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Aanay Somaliland Ka Maqnayn Doorashooyinka Ka Socda Muqdisho

0
1010

Mugdisho, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Guddida dadban ee doorashooyinka dalka Soomaaliya, ayaa shalay mar uu hadal ka jeediyay xarun lagu dooranayay xildhibaanada maqaar-saarka ee ka soo jeeda Somaliland waxaa uu sheegay in loo dhan yahay doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Warka labaad (7)Guddoomiyaha doorashada Soomaaliya waxaa uu sheegay in si rasmiya ay u dhacday doorashada dalka Soomaaliya isla-markaana aanay jirin cid ka maqan, isagoo ku dooday in ay joogaan ergadii matalaysa Somaliland oo aan loo baahnayn cid kale oo doorashooyinkaasi ka qayb-gasha si ay u matasho Somaliland.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in dhammaan dadka ergada ah ee dooranaya xildhibaanada Soomaaliya ay ka yimaaddeen deegaanada Somaliland “7 Xubnood oo kasoo jeeda beelaha Dirta-Waqooyi ayaa maanta (Shalay) la doortay, waxaa halkaasi ku soo afjarmay dooddii odhanaysay doorashada Soomaaliya (looma dhama), Waayo? dadkii oo dhan ayaa ka qayb galay, waana ilaahay mahaddii”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida Doorashada Soomaaliya.

Inkasta oo dawladda Somaliland ay ka Go’day dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, haddana masuuliyiinta dawladda Soomaaliya waxaa ay sheegaan in Somaliland ka mid tahay dalka Soomaaliya, iyagoo imikana doorashooyinka ka socda dalkaasi sameeyay xubno sheegtay inay matalaan dadka Somaliland.

Xubnaha Shalay ku soo baxay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Muqdisho waxa ka mid ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Cabdiraxmaan Beyle oo labadooduba ka soo jeeda Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here