Guddoomiye Saleebaan: “Somaliland Hore Ugamay Maarmin Reer Sool, Maantana Kama Maarmi-karto”

0
1980

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyay kulan maanta lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland, ayaa talooyin badan ka soo jeediyey xaaladda magaalada Laascaanood.

Kulankan, ayaa lagu gorfaynayay nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood islamarkaana baaq loogu diray shacabka reer Laascaanood.

Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu muujiyay muhiimadda ay leedahay in xal deg deg ah laga gaadho dhibka Laascaanood ka taagan.

Waxaana uu sidoo kale xusay Guddoomiye Saleebaan inay magaalada Laascaanood tahay udub-dhexaadka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Somaliland aanay hore uga maarmin reer Laascaanood, islamarkaana maanta aanay ka maarmi karin.

Waxaana uu ku baaqay in la raadiyo xalka reer Laascaanood maadaama buu yidhi ay yihiin dad is dhalay oo aan meelna u kala kici karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here