Madaxweyne Biixi: “Maanta Layga Fili-Maayo Wixii Siyaad Barre Ku Sameeyay Hargeysa”

0
3000

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay shaqaaqada magaalada Laascaanood ka taagan, oo uu sheegay in xukuumad ahaan ay in badan xakameeyeen.

Waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan ay wakhti badan geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka Laascaanood awood loo isticmaalin.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in aan laga filayn sidii uu Siyaad Barre ku sameeyay Hargeysa, inuu magaalo kale ku sameeyo, islamarkaana aan cid kale laga filayn.

“Maanta la iga fili mayo Hargeysa wixii uu Siyaad Barre ku sameeyey inaan magaalo kale ku sameeyo, cid kalena laga fili mayo.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkooda ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad.

“Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto.” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ugu dambayn uu ballanqaaday inuu dhiniciisa xil weyn iska saarayo sidii gogosha nabadda ee taalla looga soo saari lahaa qodobbo dhibaatada taagan soo Af-meerta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here