Mareykanka oo Sheegay Inaanu Xaqiijin-karin In Somaliland Duqayn Ka Geysatay Laascaanood

0
4526

Washington (Hargeisa Press) – Dowladda Mareykanka, ayaa ka hadashay wararka la isla dhexmarayo ee aan xaqiiqda ku fadhiyin ee sheegaya in Ciidamada qaranka Somaliland ay duqaymo ka gaysteen magaalada Laascaanood.

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry E. Andre Jr, ayaa waxaa uu sheegay in aanay weli haynin warar lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in Ciidamada qaranka Somaliland duqayn ka gaysteen gobolka Sool.

Safiirka, ayaa waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Laascaanood oo miiska wadahadalka Layskugu yimaado, islamarkaana la soo afjaro dagaalka.

Larry E. Andre Jr, waxaa uu sheegay in aanay cidna dani ugu jirin sii socoshada colaada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarrunta gobolka Sool.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu wadahadalo toos ah la yeeshay, hoggaamiyeyaasha dhinacyada oo dhan, islamarkaana uu kala hadlay xaaladda.

Safiirka Mareykanka, ayaa sheeegay in cida weerarka ku horaysay iyo cida shacabka beegsanaysayba la eegi doono wakhti ku haboon, balse hada arrinta muhiim ka ahi ay tahay in colaada la joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here