Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Wakiiladda oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Beelaha Ceel-Afweyn

0
530

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Siciid Mirre Faarax (Giirre), ayaa soo dhaweeyay xubnaha guddiga Odayaasha ah ee loo dhaariyay Heshiisiinta Beelaha Degmadda Ceel-Afweyn.

Guddoomiye Siciid Mirre, ayaa waxa uu sheegay in ay ka shir-guddoon ahaan si weyn ugu faraxsan yihiin 25 xubnood ee madax dhaqameedka ah ee maanta loo dhaariyay in ay soo af-jaraan xurguf u dhexmartay laba beelood oo wadda degga Ceel-Afweyn.

Waxaana uu tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid guul ah oo hore loo qaaday, isla markaana ay gole ahaan ku bar-bar taagan yihiin odayaashaasi in ay nabadda ka shaqeeyaan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Siciid Giirre, waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta hadal ka jeediyay munaasibad qado sharaf ah oo Xildhibaanadda golahaasi u sameeyay guddoomiye C/rasaaq Khaliif Axmed.

Geesta kale, Giirre, ayaa ugu baaqay beello walaallo ah oo wadda degga gobolka Sool oo iyagna hore ay shaqaaqo u dhexmartay in ay sida kuwa Ceel Afweyn oo kale isku yimaadaan.

Waxaanu kula dar-daarmay madaxdhaqameedka Sool in ay iyagu isku tashadaan, isla markaana ka shaqeeyaan nabadda oo ay  wax kastana ka hor mariyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here