“Dadku Way Ina Qiimeyn Doonaan Wixii Aan Qabano iyo Wixii….”

0
1584

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa ugu baaqay mudaneyaasha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland in ay u midoobaan ka shaqaynta danaha caamka iyo maslaxada guud ahaanba ee dalka.

Waxaanu sheegay inuu hadda soo dhamaaday wakhtigii kala riixashadda iyo loolanka loogu jiray hanashadda shir-guddoonka golaha Wakiiladda.

Sidaas darteedna wixii hadda ka danbeeya golaha looga baahan yahay wada shaqayn dhexdoodda ah iyo sidii ay waajibaadkoodda shaqo si hufan ugu gudan lahaayeen.

Xildhibaan Xasan Saleebaan Laab-saalax, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad qado sharaf ahayd oo uu xildhibaanadda golaha Wakiiladda maanta u sameeyay guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed.

Laab-salaax, ayaa xildhibaanadda kula dar-daarmay in ay ku dedaalaan sidii ay u noqon lahaayeen gole magac iyo sumcad ka tagga.

Geesta kale xildhibaan Xasan, waxa uu sheegay in golaha cusub looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan filashadii shacabka soo doortay, isla markaana ay bulshadu qiimaynayso hadba sida ay ugu shaqeeyaan.

Isagoona xusay in bulshadu ay golahan cusub ku qiimayn doonaan wixii ay qabtaan iyo wixii ay qabyeeyaan, kadib marka uu muddo xileedkoodu dhamaado.

Waxaanu tilmaamay in xildhibaan kastaaba uu ogaado inuu metelo oo uu masuul ka yahay bulshadda Somaliland oo dhan, balse aanu ku koobnayn gobolka ama degmadda iyo tuuladii laga soo doortay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here