“Somaliland dhibaato in ku filan waa loo gaystay ee hala iska daayo”….

0
613

Muqdisho (HP): Xildhibaan Suhuur Diiriye Cali, oo  ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa ku dhaliishay maamulka Farmaajo in ay dhibaatooyin kala duwan ku hayso  Somaliland.

Waxaanay ugu baaqday dawladda federaalka ee Farmaajo in carqaladaynta ka dayso Somaliland, isla markaana ay Somaliland ku filan tahay dhibaatadii ay hore ugu gaystay.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay qoondadda lacageed ee ay xukuumadu ugu dartay miisaaniyadda wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaan ayaa ku dooday in aanay saddexdii sanadood ee u danbeeyay jirin wax wadahadalo ah oo dhex maray Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Halkan ka Daawo Hadalka Xildhibaanadaasi:

Hargeisa Press.om/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here