Guddoomiyaha ONLF: Dowladdu Si Joogto Ah Ayay Weerar Noogu Haysaa

0
908

Jigjiga (Hargeisa Press) — Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa ku eedeeyay xukuumadda Dawladda Deegaanka Soomaalida inay ku hayso weerar toos ah iyo mid dadban.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in koox uu ku tilmaamay qaswadayaal ay dawladdu soo abaabulayso oo ay maalgalinayso iyagoo wata magacii ururka, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu.

Geesta kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ururku uu mid yahay, isla markaana sharciyaysan yahay una tartami doono doorashada soo socota.

Hadalka Guddoomiyaha ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimadii shalay uu ururku tallaabo ka qaaday xubno uu ku tilmaamay inay jabiyeen xeerkii iyo shuruucdii u yaallay ururka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here