Guddoomiyaha HSD Oo Shaqaalaha Dawladda Uga Digay Ka Qayb Galka Siyaasadda

0
389

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa shaqaalaha dawladda uga digay in ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo xaaladaha taagan.
Khalid Jaamax Qodax, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku dhawaaqay in tallaabo laga qaadi doono shaqaalaha dawladda ee ka qayb qaata siyaasada, taas oo uu ka raabay sharciga shaqaalaha dawladdu.
Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Qodax, oo ka hadlayay fariinta uu shaqaalaha dawladda u dirayay ayaa tilmaamay in ay mamnuuc tahay in shaqaale dawladeed ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyadda.

Kulankan uu guddoomiyuhu ka hadlay waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka haayadda shaqaalaha dawladda  Aamina Xuseen, Agaasimaha guud Khalid Mirre, guddiga komishanka haayada shaqaalaha dawladda, agaasime waaxeeyada shaqaalaha dawladda iyo wasiirka wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali Bile.
Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Qodax, oo ka hadlayay fariinta uu shaqaalaha dawladda u dirayay ayaa tilmaamay in ay mamnuuc tahay in shaqaale dawladeed ay ka qayb galaan arrimaha siyaasadda iyo xisbiyadda.
Daawo: Guddoomiyaha Haayada shaqaalaha oo shaqaalaha uga digay ka qayb galka siyaasadaha:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here