Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Colaadda Ka Soo Cusboonaatay Sanaag

0
683

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka soo cusboonaatay degaamo ka tirsan gobolka Sanaag.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sheegay in ka gole ahaan ay guddi ka qayb qaadata furdaaminta arrintaasi ay u dirayaan maalmaha soo socda.

Guddoomiye Saleebaan, oo shir-guddoominayay fadhigii maanta ee golahaasi ayaa xildhibaanadda ku wargeliyay in ay gelayaan fasax gaaban oo todobaad ah, isla markaana maalinta uu dib u furmo fadhiga goluhu la saari doono xubno guddi ah.

Waxaanu mudaneyaasha la socod siiyay in aanay u bixin ama tegin goboladda fog-fog si haddii si deg deg ah loogu baahdo loo heli karo.

“Golaha ayaan la hadlayaa, xaalada-na waa kuwan soo kordhay, aynu kala war-qaadano, hana fogaanina, ilaa Salaasadda. Inta wax soo diyaar garoobayaan, nala socda, dhaq-dhaqaaq ha samaynina”ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu  tilmaamay in guddiyo hore oo ay gobolka Sanaag u direen loo baahan yahay in wax laga bedelo, sidaas darteedna xubno kale lagu kordhin doono.

Waxaanu yidhi “Nimankaasi ma dheeraynayaan sida ka muuqata, Wagash-wagash weeye.

Guddidaas guddoomiyeyaasha iyo xog haynta, hawshii mudaanu idin siinaynaa. Salaasadda war nagu soo celiya. Guddiyaashu way bedelmi doonaan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here