Sanaag: Dagaal Dhexmaray Ciidamadda Qaranka iyo Maleeshiyadda Caare

0
664

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ka hadlay dagaal maanta gelinkii hore degaanka Tabca ku dhex maray ciidamadda qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda uu hogaamiyo Kornayl Caare, oo hore uga falaagoobay ciidamadda qaranka.

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa sheegay in dagaalkaasi aanu gaysan wax khasaare dhimasho iyo dhawaac ah, marka laga reebo laba gaadhi oo ciidamadda qaranku ka qabsadeen maleeshiyadda Caare.

Badhasaabka Sanaag waxa uu sidan ka sheegay  hadal uu  ka jeediyay meel fagaare ah oo lagu soo dhawaynayay wefti uu hogaaminayay wasiirka jidadka iyo gaadiidka Somaliland iyo agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland oo maanta gaadhay magaaladda Ceerigaabo.

“Saaka waxaa dhacay ciidanka qaranka Somaliland ayaa gaadhay maleeshiyo uu hogaaminayay ninka la yidhaahdo Caare, oo ku soo dhawaaday waddada laga gallo buurta Daallo, gaar ahaan meesha loo yaqaano Karinka.

Nasiib wanaag, iyadoo aanay ciidanka qaranka waxba ka dhiman laba gaadhi ayaa laga soo qabsaday ninkaasi, saddex baabuur oo kale-na waxay u baxsadeen xagga buurta. Si nabad geliyo ah ayaa ninkaasi odayaashii looga dabadiray”ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.

Isagoo ahdalka sii watayna waxa uu yidhi “Mar walba xagga nabadgeliyadda ayaanu arrinta ka maraynaa. Qof-na inagama go’ hawshaasina si wanaagsan ayay u socotaa, waanay soo gebagaboobaysaa insha ALLAAH.

Maxamed Tiimbaro, waxa kaloo uu  ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dhex maray ciidamadda qaranka Somaliland iyo maleeshiyadda Caare.

Waxaanu yidhi “Wax khasaare ah oo ciidanka qaranka Somaliland soo gaadhay ma jiraan, marka laga reebo labadda gaadhi ee ninkaasi maleeshiyadiisa laga soo qabsaday. Waxaa jira nin dhaawac ah oo uu ku dhacay Finiin dhagax. Wax dhibaato ah oo kale kamay dhicin meesha”.

Geesta kale badhasaabka Sanaag ayaa weriyeyaashu waydiiyeen in uu jiro wax khasaare ah oo gaadhay dhinaca maleeshiyadda Kornayl Caare, waxaanu sheegay in aanay haba yaraatee jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo gaadhay.

“Waxba kama jiraan. wax ka dhintay iyo wax ka dhaawacmay midnaba ma jiraan”ayuu yidhi badhasaabka  gobolka Sanaag.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here