GUDDOOMIMIYAHA JAAMACADDA HARGEYSA WAXAAN U SOO SHARAXAYAA MUDANE AXMED XASAN CARWO

0
716

Waxa muddo dheer qas iyo isafgaranwaa ka taagnaa Jaamacadda Hargeysa oo dhex yaalay bulshoweynta Hargeysa oo dhinacyo badan leh. Waxa u gun ah dad aan isafgaran oon isla jaan qaadeyn iyo rag aan midna dhaafin ardaagiisa . Waxa hubaal ah in loo baahan yahay nin aqoon cilmi ay u weheliso mid bulsho iyo mid hogaamin.

 

Annaga oo dhowr reer Hargeysa oo daan walba isagu jirna ayaanu falanqaynay sida loo xaliley khilaafka Jaamacadda, walow aanu soo dhoweynay in labadii garabba meesha ay ka baxaan, waxa noo cuntomi weyday cidda hoggaanka loo dhiibay oo loo arko nin aan gudan karin aqoon ahaan iyo hogaamin ahaan midna Maareynta Jaamacadda .

 

Haddaba kolkaanu rogrognay waxaan isku raacan shaqi qiimo, qaayo, aqoon cilmi iyo bulshaba maqaam sare kaga jira, Waa aqoon yahan Axmed Xasan Carwo oo hadda ah La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsga iyo Maalgashiga. Waa nin afarta gees ee Hargeysa ku leh dhiiq iyo xidid qotodheer, nin ehel ku leh Axmed Dhagax, ku leh New Hargeysa, Ku leh Dumbuluq, ku leh Gacan Libaax iyo 26ka Juun. Nin Hargeysa goob kasta furaheeda heli kara, nin aftahan ah oo wax kaa dhaadhicin kara, aan ku xidhnayn ardaa kooban iyo qolqol xaafadeed, nin aan ka qaloon inuu afarta gees ee Hargeysa dood iyo fadhi la yeesho habeen iyo dharaarba.

 

WAxaan Madaxweynha ugu baaqayaa inuu Mudane Axmed Carwo u magacaabo jagada Guddoomiyaha Jaamacdda oo loo eego aqoontiisa, kartidiisa, iyo tan Hargeysa u gaarka ah ee ah nin ehel iyo dhiigba ku leh afarta gees ee Hargeysa, oo xalili kara khilaaf kasta oo reer Hargeysa dhex mara.

 

Axmed Carwana waxaan leeyhay naga aqbal soo jeedintan oo u hur dadkaaga aqoontaada iyo xeelad dheeridaada, dadkaaga reer Hargeysa adigaa isku wadi kara ee doono anaguna aanu kula doono kaalintan aad ummadaada wax badan ku tari karto, u hibee dadkaaga waqti iyo maskaxba.

 

Waxaan bulshada reer Hargeysa ee aqoonta u leh Axmed ee daan walba ah u soo jeedinayaa inay ka hawl galaan arrintan oo inoo ah daawo iyo mid soo afjari karta khilaafka muddada soo taxnaa. Reer Hargeesow maruun aragti guud ku eega danahiina oo ka kora ardaa iyo talo qolqol. Ka shaqeeya midnimada Hargeysa, kuna beera dhalinyarada wada dhalashada iyo wada jirka.Hormood ka dhigta ragga daan walba furaheeda heli kara sida Mudane Axmed Xasan Carwo.

 

 

Wa billaahi tawfiiq.

 Ali Jama

xeedho@ymail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here