Ciidanka Booliska Qof Rayid ah ku dilay Howl-gal Dhul oo ku yaala Caasimadda Hargeysa

0
876

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen howl-gal Ciidan ka tirsan  Booliska Hargeysa ay  ka fuliyeen Xaafada Jig-jiga yar, agagaarka Kaalinta Indho birta ee magaaladda Hargeysa, kaasoo sida la sheegay ay ku joojinayeen Dhisme ka socday Dhul halkaa ku yaalla oo laba dhinac isku haystaan.

Qofka dhintay ayaa ah Wiil Dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo toban jir, kaasoo  sida ay  Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaala ka soo jeeday dhinac kamida labada daraf ee Dhulka isku hayey, isla markaana ah qoyska dhisanayey.

Waxa kale halkaa ku dhaawacmay Wiil kale oo ay walaallo yihiin Marxuumka dhintay iyo tiro kale oo dad ah.Khasaaraha ayaa sida la sheegay waxa uu ka dhashay Tacshiirad Boolisku ku fureen Dad gadoodsan oo iska-caabin kala horyimi howl-galka ay ku joojinayeen dhismaha ka socday goobta lagu muransanyahay.

Rasaas xooggan oo qadar socotay, taasoo ay Boolisku ku ridayeen Dadka rayidka ah, ayaa laga maqlayey meelo aad uga fog goobta dhacdadu ka dhacday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska oo la xidhiidha howl-galkan Khasaaraha sababay ee ay fuliyeen, hase ahaatee dadka deegaanka arrintu ka dhacday ayaa argagax ka muujiyey falkan “Arrin aad u fool-xunbaa ka dhacday meesha “ sidaas waxa HargeisaPress u sheegay goob-jooge khadka Telefoonka aanu kula xidhiidhnay.

Lama xaqiijin in Booliska lagu soo riday Rasaas ama ay iska caabin hubaysan kala kulmeen howl-galka, taasina ay ku kaliftay inay rasaasta ku ridaan rayidka.

Khasaaraha naf  iyo Maalba isugu jira ee ka dhashay Muranka Dhulka ayaa kor u kacay bilihii u dambeeyey ee sanadka. Bishii June ayaa afar Askari oo Boolis ah lagu dilayd dilay  Dhul-beereed laysku haystay oo ku yaalla duleedka Caasimada Hargeysa, kaddib markii ay Jid-gooyo u galeen Dabley hubaysan oo ka soo jeeda mid kamida dhinacyada dhulkaa isku haystay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here