Soomaaliya:Ra’iisul Wasaaraha Oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Caruurta

0
541

Muqdisho (Hargeisa Press): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan Mr. Virginia Gamba de Potgieter.

Kulanka dhex maray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo ergayga gaarka ah ee xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan caruurta iyo khilaafaadka hubeysan ayaa looga hadlay sidii kooxaha argagaxisada looga hor istaagi lahaa askaraynta carruurta, si loo badbaadiyo mustaqbalka carruuta,

Mr. Virginia Gamba,  ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay soo dhaweynta bogaadisay dadaallada dowladda ee dib-u-habeynta ciidanka oo qayb ka qaadatay sare u qaadidda ilaalinta xaquuqda carruuta.

Geesta kale ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa Virginia Gamba u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in Soomaaliya ay noqoto dal nabad ah.

Guulo wax ku ool ahna laga gaaray tillaabooyinka loo qaaday xasilinta dalka, arrinaas oo horseedeysa in carruunta iyo dhammaan bulshadu ay helaan nabad waarta.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here