Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Soo Saaray Hannaanka Codbixinta Doorashooyinka

0
1492
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray nidaamka cod-bixinta ee muwaadiinta looga baahan yahay inay raacaan maalinta Codbixinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Hannaanka Cod-bixinta oo aan wax badan ka duwanayn nidaamyadii hore ee ay codbixiyeyaashu u mari jireen hannnaanka codbixinta, marka reebo inay tahay laba doorasho oo isku-sidkan, waxa guud ahaan shacabka cod-bixinta ka qayb-qaadanaya lagu baraarujinayaa inay soo qaataan Kaadhadka ama shahaadooyinka Codbixinta ka hor inta aanay soo gaadhin goobta ay codkooda ka dhiibanayaan.

Waxa kale oo codbixiyeyaasha lagu baraarujinayaa inay iska hubiyaan inay goobta codbixinta ka qaataan Laba Waraaqood oo ay ku kala qoran yihiin Astaamaha iyo Lambarrada murashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, si qofku ugu codeeyo labada xildhibaan ee uu codkiisa siinayo.

Haddaba, waxa aanu halkan idinkula wadaagaynaa farriin ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka oo xambaarsan tallaabooyinka qofka codbixiyaha ah looga baahan yahay inuu u maro hannaanka codbixinta Doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here