Japan oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ugu Deeqday 1 Milyan oo Dollar

0
1387
Safiirka dalka Japan iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka
Safiirka dalka Japan iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka

Jigjiga (Hargeisa Press) – Dowladda Japan, ayaa waxaa ay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu deeqday aduun lacageed oo gaadhaya 1 Milyan oo dollar.

Lacagtan loogu deeqay dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya, ayaa la sheegay in loogu talo galay in wax lagaga qabto biyo-gelinta, Fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo waliba ka hortaga daadadka magaaladda Jigjiga.

Waxaana mashruucan fulinaya Hay’adaha UNHCR iyo ILO oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabri-bayax.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan deeq dhan 1 million oo dollar oo wax lagaga qabanayo biyo-gelinta iyo fayadhowrka magaalada Qabribayax iyo ka hortaga daadadka magaalada Jigjiga ka helnay dowladda Japan. Hay’adaha UNHCR iyo International Labour Organization (ILO) ayaa fulinaya mashruucan, oo qayb ahaan wax ka taraya biyo-la’aanta baahsan ee ka jirta Qabribayax” ayaa lagu yidhi qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar.

Dhanka kale, xukuumadda dowlad deegaanka, ayaa iyana qorshaha ku darsatay in ay biyo-gelin dhammaystiran u samayso magaalooyinka Jig-jiga, Qabri-bayax, Dhagax-buur iyo Wardheer sannad-miisaaniyeedka foodda innagu soo haya, sida uu sheegay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

LEAVE A REPLY