Xilliga Uu Xidhmayo Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashada Soomaaliya oo La Shaaciyay

0
896
Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa maalintii afraad ku shirsan magaalada Muqdisho madaxda shanta maamul goboleed ee Soomaaliya, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo ra’isal wasaaraha dowlafda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shirkan gudoominaya.

Kulankan, ayaa lagu xallinayaa muranka hananaanka doorashada Soomaaliya oo in mudo ah la isku mari la’aa. Inkastoo shalay la soo wariyey in kulanka caqabado ay kasoo food saartey xal u helida sida loo qeybsanayo ama loo maamulayo xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee u matalaya gudiyada doorashada.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya rajo muujineysa in madaxda Soomaaliya isku afgarteen inta badan arrimihii lagu muransanaa.

Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimu oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka warbixiyay shirka oo maanta galay maalintiisii afraad, waxuuna sheegay in madaxda ay muujiyeen biseylkooda ku aadan sida ay u doonayaan in heshiis laga gaadho arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Afhayeenka, ayaa sheegay in la guda galay diyaarinta warmurtiyeedkii heshiiska, waxaana la sheegay in Khimiista soo socota la soo xidhi doono shirka, iyadoo madaxda Soomaaliya ay shaacin doonaan qodobada ay ku heshiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here