Gudaha Ka Akhri ;Maanso Cusub Ee ‘Maxaa Daahay Abaalo’ Iyo Abwaan Sacad X, Maxamuud Gadhle.

0
1001

Maansadan Waxaa Tiriyay Abwaan Sacad X, Maxamuud Gadhle oo Kamida Abwaanada Dhalinyarada ah Mudana ka mid ahaa bahda sugaanta. maansadan kooban oo abwaanku ugu ,magac daray(Maxaa Daahay Abaalo) Abwaanku wuxuu si gaara ugu baraarujinayaa raga Masuuliyiinta ah oo ay Hadaf mida kuwada socdeen mudo dheer maantana guulaystay dadkii ay isku fikirka ahaayeena aan dib u soo eegin isagoo garabkii uu ka filayay ka waayay waxaanu ku bilaabay sidan; Deelaydiyo maanso Abwaanka dareershay Halkuu dulucdeeda Ku daaray ilayska Warbaa dihin maanta Wargaysyadu dooxin Bulshooy deg madaada Dirkaygiyo beesha Maxaa Daahay Abaalo Diwaanka qoraalka Ku daabacan maanta Maxaa warar duuban Dadwaynaha gaadhin Doraatiyo maalmo Maxaan daris mooday Nimaan Aan Danahayga Dareen Badan Siinin Maxaan Darajeeyay Maxaan dalacsiiyay Maxaan ku danbaaboo Ducaysane mooday Dantayda u seegay Hankiisa la doonay Habeeno u daalay Duqii hore hiifay Daleeda ka maagay Maxaan ka difaacay Dadkoo ku hafraaya Dacaayado miidhan Ka dayray ayaamo Dushiisa ilaashay Muxuu dawankaygu Dartii u dhawaaqay Maxaan warar duulay Dabaylaha raacshay Maxaan kula dooday Ragii lala doortay Darjiidhay ayaamo Maxaan dawo raadshay Digtooro su,aalay Maxaan u faq daayay Dahaadhay warkooda Dabool adag saaray Damiirka adkeeyay Ragoo badi diidan Maxaan kala daadshay Durmaanka u qaatay Dabkooda bakhtiiyay Maxaan damaciisa Darkuu ka cabaayo Dardaaran ka gaystay Maxaan dakhar gaystay Halyeeyo dikheeyay Hankooda ka diiday Maxaan u dacwooday Markaan u dulqaatay Dantaydiyo maanta Hadii danigiisu Dabaalay hankayga Inaan dubahayga Dushiisa ku jiido Dantaa i faraysa

DHAMMAAD MAANSADII MAXAA DAAHAY ABAALO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here