Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ah TELESOM oo Adeegga ZAAD Ku Soo Kordhisay Adeegga Shilling Somaliland-ka

0
1016

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta daah-furtay Adeega ZAAD Shilling  Somaliland-ka, adeeggan ayaa ka garab shaqayn doona Adeegga hore ee ZAAD Dollarka.

Shirkadda Telesom ayaa shir jaraa’id oo ka dhacday xarunteeda waxay ku daahfurka Adeegga ZAAD Shilling Somaliland-ka, munaasibadda daah-furankan waxaa ka soo gayb-galay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac, Gudoomiye ku-xigeenka Baanka Cumar Yuusuf Buux, Agaasimaha Guud ee Baanka Cabdilaahi Xasan, Xildhibaan Maxamud Axmed Oobsiye, Gudoomiyaha Shirkadda Telesom, Masuuliyiinta Sare ee Boodhka Shirkadda iyo maasiliyiinta kale ee shirkadda.

Ugu horayn munaasibadan Daahfurka Adeegga ZAAD Shilling Somaliland waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid waxaanu shaaciyey in Shirkadda Telesom Adeeggi ZAAD-ka Dollarka lagu soo kordhiyey qayb cusub oo Somaliland Shillings Somaliland-ka lagu Isticmaalo doono, waxaanu yidhi, “Runtii waxaa maanta farxad noo ah khaasatan shirkadd ahaan, caam ahaanna dal ahaan inoo ah in aanu halkan ku soo bandhigno daah-furka ZAAD Shilling Somaliland. Sida laga wadda warhayo waxtar weyn oo aan la soo koobi karayn u wadda yeelan doona bulshaddeena iyo dalkeena.  Waxaa iyadduna xusid muddan in adeegyadda Lacagta Mobayladdu inoo keeneen Aqoonsi ganacsi iyo Mid tiknoolajiyadeed oo aynu maanta bahda aduunka hormuud ka nahay.” Sidaasi Waxaa yidhi Gudoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid.

Gudoomiyaha TELESOM wuxuu bandhig-muuqaaleed ugu sharaxay masuuliyiintii dawladda ee ka soo qayb-galay bandhigan qaabka ZAAD Shillings Somaliland-ka loogu isticmaalayo adeegan, waxaanu sheegay in adeeggan bulshadda dalka oo dhan loogu firi doono muddo dhawr todobaad guddaheed ah.

Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac ayaa soo dhaweeyey Adeegga ZAAD Shillings Somaliland waxaanu yidhi, “Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in xafladdan lagu daah-furaayo Adeegga ZAAD Shillings Somaliland ay hawsha u galeen Shirkadda TELESOM aad iyo aad baan shirkadda ugu mahadnaqayaa inay samayso adeegg kale oo kii hore ee jirijaray barbar socda oo Somaliland Shillings ah oo u fududaynaya dadkeena siday ugu macaamili jireen kii hore ugu macaamilaan. Waa arin soo dhawyn leh, waa arin sharafteeda leh maanta in shilling-kii Somaliland uu helay sharciyadiisii uu ka mudnaa ummaddiisa oo uu noqdo lacagta la aqoonsan yahay ee dalkan ka socon karta.” Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Baanka Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay adeegan cusub ee Somaliland Shillings ee lagu soo kordhiyey adeeggii hore u jiray ee ZAAD-ka, Wasiir Muuse ayaa yidhi, “Runtii waxan aad ugu mahadnaqayaa shirkadda TELESOM dadaalka badan ee ay sameeysay juhdiga badan ee ay samaysay ee ay ku furtay adeegan Somaliland Shillings aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa waanay ku mahadsan yihiin waana Adeeg kor u qaadaya isticmaalkii shilling-keena Somaliland.”

Wasiir Ganacsiga Somaliland ayaa  waxa  ganacsatadda kale ugu baaqay in ay badeecadahooda ku iibiyaan lacagta Somaliland maadaama ZAAD-kiina loogu soo kordhiyey Somaliland Shilling. Wasiirka ayaa ku tilmaamay isticmaalka lacagta Somaliland shilling-ka inay ka mid tahay astaamaha jiritaanka dawladdnimadda.

ildhibaan Maxamud Axmed Obsiiyey oo ku hadlaayey afka Guddida Dhaqaalaha iyo ka Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa isaguna ka hadlay adeegan cusub ee lagu soo kordhiyey Adeeggii ZAAD ee hore u jiray waxaanu yidhi, “Adeegan cusub ee shirkadda TELESOM ay ku soo kordhisay adeegyaddeeda waa mid aad iyo aad aanu u soo dhawaynayno Gole ahaan, horena runtii shirkadda aanu ka wadda hadalnay markii aanu kulan la qaadanay sanadkan hortaantiisa. Runtii ayaguna waxaa weeye kuwii ugu horeeyey ee hirgaliyey aadna waanu ugu mahadnaqaynaa. Shacabkana waxaanu ku boorinaynaa inay talaabadaa ka faa’iidaystaan oo adeegaa isaga ah sidii loogu talo galay u isticmaalaan oo la hirgaliyo maadaama ay astaan qaran u tahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Astaantaa qaran waxaa la rabaa in la xoojiyo, lacagta Somalilandna ay noqoto lacag dalka ka shaqaynaysa oo wax lagu iibsanaayo waxna lagu badalanaayo. Waa aasaaska qaranimo sidaasi daraadeed shirkadda aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa.” Sidaasi waxaa yidhi Xildhibaan Obsiiye.

Ugu dambayntii waxaa xafladdan daah-furka Adeegga ZAAD Somaliland Shilling soo afmeertay wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay hadaladeedii ka mid ahaa, “Waan idiin mahadnaqayaa madaxda TELESOM, wasiiradda iyo Xildhibaanka Jooga inaynu maanta daah-furayno ZAAD-kii Somaliland oo runtii wax weyn ka tari doona, waayo waxaan anigu ku rajo weynahay TELESOM Gudoomiyaheeda iyo team-kaa la shaqaynayaa inay ka mid yihiin tiirarka Somaliland oo ay Inoo keeneen inuu aduunku ku faano horumarka Technologiyadeed ee ay gaadhsiiyeen dalkeena oo uu ugu horeeyo  ZAAD-kaa  inta badan lagu shaqaynaayey, runtii waxaan isleeyahay kan Somalilandna hadday sidii ugu hawl-galaan sidii oo kale ayuu u shaqayn doonaa. Innaga ahmiyadeenu waxaa weeye waxay dadkeenu ku faraxsan yihiin oo ay xoolahoodii ku aaminayaan oo ay ku shaqaynayaan oo qofka aan dollar haysani uu doonayo intuu dollar sarifto inoo dollar ku diro oo uu Somaliland-tii uu haystay uu ku isticmaalayo waxay inoo tahay wax tar weyn. Waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inay TELESOM hirgalin karaan inay qofka miiga jooga iyo ka magaalada jooga siday markii horeba u gaadhsiinayeen lacagaha inay imikana Somaliland-ta u gaadhsiin doonaan, annaguna aanu kula shaqayn doono wixii ay nooga baahdaan runtii aanan diyaar u nahay in aanu kala shaqayno.” Sidasi waxaa tidhi Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here