Golaha Wasiirrada oo Dood Ka Yeeshay Diyaar Garowga Doorashooyinka

0
1465

Hargeisa (Hargeisa Press) — Fadhigii 69aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida wasaaraddaha, lagagana dooday arrimaha diyaar garawga doorashooyinka.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda waxbarashada dalka, isagoo xusay in wasaaraddu ku hawlan tahay kor u qaadida waxbarashada dalka iyadoo fulinaysa siyaasada xukuumadda ee ah in waxbarashada tayadeeda iyo gaadhsiinta goob walba la hirgeliyo.

Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinku, waxaana goluhu go’aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan.

Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu golaha ku adkeeyey inay dardar-geliyaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sannadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here