Sekeriya Axmed Muxumed Oo Loo Doortay Guddoomiyaha SOLJA

0
995

Hargaysa (HP): Shirweynihii todobaad ee ururka suxufiyiint Somaliland ee SOLJA oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Waxaana shirweynahaasi lagu doortay guddoomiyaha ururka, guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guud.

Sidoo kale waxaa shirkaasi lagu doortay 15-ka xubnood ee golaha fulinta ururka SOLJA.

Guddoomiyaha waxaa loo doortay Sekeriye Axmed Muxumed, halka guddoomiye ku-xigeenkana loo doortay C/laahi Xuseen Darwiish.

Sidoo kale waxaa xoghayaha guud loo doortay Maxamed Axmed Muuse (kuraase).

Geesta kale Sekeriye Axmed Muxumed, guddoomiyaha cusub ee SOLJA ee saddexda sanadood ee soo socda ayaa ah aqoon yahan heerkiisa waxbarasho gaadhsiisan yahay Master.

Isagoona muddo dheer ka soo shaqayanayay warbaahinta dawladda Somaliland gaar ahaana idaacadda Radio Hargeisa oo uu hadda ka hayay xilka isuduwaha barnaamijyadda.

Waxaanu noqonayaa guddoomiyihii ugu aqoonta sareeyay ee guddoomiye ka noqda ururka SOLJA.

Dhinaca kale waxaa jira weriyeyaal tiro badan oo qaadacay in ay shirkaasi ka qayb galaan.
Kuwaasoo ku eedeeyay wasiirka warfaafinta Somaliland inuu gacanta kula jiro maamulka shirkaasi.

Wasiirka warfaafinta ayaa shalay furay shirka uu sheegay in aanay wasaaradu wax saamayn ah ku lahayn shirka.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa la aasaasay sanadkii 1997-kii.

Xubnaha hoggaanka loo doortay ee ka kooban 15-ka xubnood ayaa waxay kala yihiin.

  1. Sakariye Axmed Muxumed
  2. Cabdillaahi xuseen Darwiish
  3. Cabdifataax Ismaa ciil Mursal
  4. Cabdiqaadir Nuur Dacar
  5. Cabdi Xasan cabdi
  6. Ridwaan caydiid Ismaaciil
  7. Carraale Maxamuud Jaamac
  8. Maxamed Guraase
  9. Maxamed Faarax coomaade
  10. Muna Ibraahim Dhakhtar
  11. Raxma cabdillaahi Maygaag
  12. Muna Toosane
  13. Faysal Aadan Maxamed (Fifa)
  14. Xamse cali Bulbul
  15. Ibraahim Faarax Macaaneeye.

Markaasi ka dib, waxa Guddiga fulinta ee Shir-weynaha lagu doortay ay yeesheen shir gaar ah, waxayna iska dhex doorteen Guddoomiyaha SOLJA ee 3-da sanadood ee soo socda, kaasi oo loo doortay Sakariye Axmed Muxumed, Guddoomiye ku-xigeen oo loo doortay cabdillaahi Xuseen Darwiish,halka Xoghayaha SOLJA loo doortay Maxamed Guraase.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here