Ururka Qurba Joogta Damal Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Maayarka Gabiley

0
1300

Gabiley (Hargeisa Press.com): Ururka ay ku midoobeen qurbe joogta u dhalatay gobolka Gabiley ee degan wadanka Sweden ayaa maanta shahaado sharaf ku maamuusay maayarka degmadda Gabiley.

Ururka oo magaciisa la yidhaahdo DAMAL ayaa ku tilmaamay shahaado sharafta ay guddoonsiiyeen maayarka Gabiley mid uu ku mutaystay wax qabad iyo horumar uu ka fuliyay magaaladda Gabiley.

Xubnaha ururkaasi oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii u Horeeyay ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib),oo ku sugan magaaladda Gabiley ayaa maayarka gudoonsiiyay shahaado sharaftaasi, ayaa sheegay in maayarku uu yahay shaqsiga keliya ee sida wanaagsan ula shaqeeya ururka Damal.

caawimooyinka ay ku soo hagaajinayaan sidii loogu tallo galay u gaadhsiiyay dadka jilicsan ee ay ugu tallo galeen.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Ay Ururka Qurbe Joogta Gabiley Ee Sweden Munaasibadaasi Ka Jeediyeen:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here