Dr. Maxamed C/llaahi Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland oo Caddeeyey in EU & AU u Magacaabeen La-taliyaha xallinta Khilaafka Qaaradda

0
856

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa loo magacaabay Ergay Midawga Yurub iyo Midawga Afrika kala taliya Khilaafyada iyo Murannada Siyaasiga ah ee Qaaradda Afrika, waxaanu Dr. Maxamed hawshaas loo magacaabay oo uu shaqaynayey muddo ku siman hal bil sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey.

Mashruuc lagaga hawlgalayo xallinta khilaafaadka iyo murannada siyaasadeed ee ka taagan dalalka Afrika, sida Koonfurta Sudan, Soomaaliya, Badhtamaha Afrika, Congo iyo waddamo kale oo Qaaradda Afrika ka tirsan oo uu Midawga Yurub wado maalgelintiisa, isla markaana ay Ururka Midawga Afrika ka wada-shaqaynayaan, ayaa la sheegay in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ay Khabiir kala taliya arrimahaas u qaateen Midawga Yurub iyo Midawga Afrika.

Haddaba, si aannu jiritaanka warkan u xaqiijinno, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Weriye Cabdifataax Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani xalay Khadka Taleefanka kula xidhiidhay, waxna kaga weydiiyey waxa ka jira Warka sheegaya in Khabiir dhinaca Khilaafyada iyo xallintooda ah ay u qaateen Midawga Yurub iyo Midawga Afrika, ayaa sheegay in warkaasi jiro, isla markaana uu muddo bil ah la shaqaynayey.

“Waa jiraa arrinkaasi, waxani waa dawlado iyo Ururro caalami ah oo ma jecla in Warbaahinta warkan lagu faafiyo, laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa in warkaasi jiro, oo aannu immika muddo bil ahba wada shaqaynaynay Ururradaas Midawga Yurub iyo Midawga Afrika, kana wada shaqaynayno khilaafaadka iyo murannada siyaasiga ah ee dalalka Qaaradda Afrika.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka jawaabayey su’aasha aan ka weydiiyey jiritaanka warkaas.

Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu ka gaabsaday in uu warkan ka bixiyo faahfaahin intaas ka badan, hase-yeeshee, waxa uu sheegay in Midawga Yurub Mashruuca wado, isla markaana Midawga Afrika ay ka wada shaqaynayaan, isagana shaqadaas loo qaatay, isagoo si gaar ah ula shaqayn doona Midawga Afrika maaddaama oo meesha shaqada laga qabanayaa yihiin dalalka ku midoobay Ururka Midawga Afrika oo ay Midawga Yurub Mashruucan wada hirgelinayaan.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Jimcihii shalay soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, isagoo ka soo kicitimay magaalada Niarobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaanay Warar Wargeyska Himilo helay tibaaxeen in socdaalkiisani la xidhiidho ka qayb-qaadashada xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-taagan Mucaaradka iyo Muxaafidka Golaha Wakiillada Somaliland. Hase-yeeshee, wuu ka gaabsaday xaqiijinta warkan inuu u socdo Khilaafka Somaliland sheegaya. Balse Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu xusay in dalalka uu hawlaha ugu horreeya ka bilaabayo ay ka mid yihiin Suudaanta Koonfurteed, Nigeria, waddanka Suudaan (Waqooyiga Sudan), Nigeria, Congo iyo Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey Socdaallo shaqo oo Shaqadan cusub ee loo magacaabay la xidhiidha la sheegay inuu ka bilaabay qaar ka tirsan Waddamada Geeska Afrika iyo Galbeedka Afrika, kuwaasoo ay xilligan ka taagan yihiin khilaafyo Siyaasadeed oo kala duwan iyo dagaallo sokeeya-ba, waxaanay u muuqataa sababta Midawga Yurub iyo Midawga Afrika shaqadan ka talo-bixinta xallinta Khilaafyada Afrika ugu qaateen heerka ay Somaliland ka gaadhay xallinta khilaafaadka iyo deminta Murannada Siyaasiga ah oo lagu majeerto Somaliland inay ku suntan-tahay xallinta khilaafyada iyo isu-tanaasulka Siyaasadeed ee la gaadho markasta oo arrimo siyaasi ah la isku khilaafo ama la isku qabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here