Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo agab caafimaad ku wareejisay wasaaradda caafimaadka + SAWIRRO

0
590

Hargeysa (HargeisaPress) Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan dalka Shiinaha ayaa wasaaradda horumarinta caafimaad ku wareejiyey agab caafimaad.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo xildhibaan C/qaadir Maxamed Xasan (indho-indho) ayaa u mahad celiyey wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Masuuliyiinta ka socotay dalka Shiinaha ee agabkaas caafimaad soo gaadhsiiyey, iyagoo sheegay faa’iidada uu agabkaasi waqtigan u leeyahay wasaaradda, kaas oo ka kooban 190 kartoon oo agab caafimaad ah isla markaana ay xidhanayaan hawl-wadeenada caafimaadku marka ay samaynayaan qaliinada iyo marka ay u adeegayaan bukaanada.

Geestoodana waxa halkaa ka hadlay wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo arrimaha dibadda Cumar Cali C/laahi iyo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u mahad celiyey Masuuliyiinta ka socday xukuumadda Shiinaha ee deeqdaas agabka caafimaad ah soo gaadhsiiyey wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, iyagoo intaas ku daray inay hawshaas ka midho dhalinteeda ka wada shaqeeyeen wakiilada Somaliland iyo Shiinaha.

Daawo Sawirro 

LEAVE A REPLY