General Ka Tirsaanaa Ciidamada Somalia oo La Dilay

0
598
Muqdisho (Hargeisa Press)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil dhawaan gurigiisa loogu geystay Generaal Yuusuf Cali Qaseeye [Cageey] oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Generaalka lagu dhex dilay Guri uu ka degenaa Warshadaha Caanaha magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa ka soo baxaya Warar kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dilka Generaal Cagey oo ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa isla ciidanka dowladda Soomaaliya oo khilaaf uu ka dhaxeeya, halka warar kalana sheegayaa in gurigiisa ay ku dileen rag hubeysan.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga oo la xidhiidha dilka Generaalka iyo wax ka jira warar sheegaya in dilkan uu ka danbeeyay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Hargeisa Press Desk/ Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here