Somaliland oo Doonaysa In Baddeecadaha Itoobiya Ka Soo Degaan Berbera

0
666

Hargeisa (Hargeisa Press)- Somaliland ayaa doonaysa in Boqolkiiba Soddon Shixnadaha Kontiinarrada Itoobiya ay ka soo degaan dekedda Bebera, iyadoo uu kala badh wejigii hore ee casriyeynta dekeddu dhammaatay.

Sida warbixin uu dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Capital oo ka soo baxa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Cabdilaahi u xaqiijiyey Wargeyskaas in casriyeynta marsadda Berbera la dhammaystiri doono Bisha October 2021ka.

Warsidaha Capital waxa uu sheegay in dhismaha  jidka Berbera Corridor oo dhererkiisu yahay 250km oo isku xidhaya Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana  uu jidkaasi wax ka tarayo sidii Itoobiya ay u isticmaali laheyd dekedda Berbera.

Sidoo kalena, Maareeyaha Dekeduhu wuxuu sheegay in fulinta qorshaha casriyeynta iyo ballaadhinta marsadda Berbera ay u socoto sidii loogu talogalay.

Jidka Berbera Cooridor oo lagu wado inuu dhammaado Bisha May ee sannadka fooda innagu soo haya, waxa Guddi wadajir ah oo ka kooban Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga wada shaqeynayaan arrimaha kastamada iyo cashuuraha.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY