Waddani Muxuu Ka Yidhi Doorashada Guddoomiyenimada Cabdirashiid Riyo-raac?

0
808

Hargeisa (Hargeisa Press) –Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batoon ayaa ka hadlay aragtida xisbiga Waddani ee ku saabsan Doorashada Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland loo doortay inuu noqdo Cabdirashiid Riyo-raac ayaa.

Waxaanu Sheegay Afhayeenku in maanta aanay taagnayn doorasho, gudoomiye komishan iyo arin kale ee qaranimadii Somailand ay khatar ku jirto, dakuna uu u baahan yahay badbaado qaran, sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Barkhad Jaamac Batuun ayaa waxa uu sheegay in jiritaanka qaranimada Somaliland ay jirideedii goynayaan Kooxda Kulmiye.

“Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye, markaa masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talo qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here