Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliya oo Qarax Ka Badbaaday

0
1255

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Qarax xooggani oo ismidaamin ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo laga maqlayay intabadan magaalada.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaaΒ  wuxuu ka dhacay inta u dhaxayso Isgoyska Tarabuunka iyo Cibitaalka Degmada Hodan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid uu waday qof isa soo miidaamiyey lalana beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan milaariga.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa idaacadda VOA u sheegay in kolonyada uu la socday taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka badbaaday werarkaasi.

Goobjooge ayaa idaacadda VOA u sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaadhsiiyey gaadhi ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here