Ganacsatada Macdaarrada Gaadiidka Oo Cabasho Xooggan Ka Muujiyay Nin Xukumaddu Naasnuujinayso Oo Berbera Ka Furtay Meel Gaadiidka Soo Dega Lagu Qiimeeyo Oo Lacag $80 Ah Lagu Qaado

0
1085

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ganacsatada Macdaarada Baabuurta Ayaa Waxay Xukumada Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan Wasiirka Maaliyada Samsam ku Eedeyen in ay ku soo rogtay Cashuur Dheerad ah oo aan Qasnada Dawlada ku dhacay basle Nin ka soo jeedda Qoyska Madaxtooyadu uu jeebka ku Shubto. lacagtaasi oo Qiimaheedu yahay $80 kasta Baabuur oo cusub. Sida ganacsatadu sheegtay Lacagtaasi waxaa lagu qaadaa Xafiis laga dhex furtay Geerash Berbera ku yaala oo Nin Geerashle ahi furtay

Waxa kale oo ay Sheegeen in kor loo qaaday Cashuurtii Baabuurta Nooca lagu raaxaysto oo Qiimaha Cashuurta caala Gaadhi uu yahay 1900 oo Dollar.

Ganacsatada ayaa Shir Jaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen, waxay ku sheegeen in Lacag kasta oo Cashuur ah oo Xukumaddu ku kordhiso aanay iyaga waxba yeelin maadaama ay dadka shacabka ah dulsaaraan, balse Lacagtan ay u arkeen mid Xaaraan ah oo aan ku dhicin khasnadda dawladda, islamarkaana ay tahay mid Shakhsi gaar ah lagu naasnuujinayo.

gadidka

“Hadaanu nahay Macrad Leyda ama Gaadiidleyda Dalka Maanta Waxanu Halkan Shirkan Jaraaid Ugu Qabanay In aanu Ka Hadalo Arin ku soo korodhay Xaga Cashuuraha Ama Dakada, arinkaasi waxa weeye Shirkada  Gaar ah oo shakhsiyaad gaari leeyihiin ayaanu doonaynaa in aanu waxa ka iftiimino.

Hadaan anuu arinkaasi ku horeeyo Xaaqiiqatan Saddex ama afar jeer ayaan odhan karaa ayaa cashuurta gaadiidka la kordhiyay intaas oo jeer anagu dee marnaba maan diidin ee wixii sifo sharci ah ee dowlada ka soo baxa ma diidayno mana diidi karo, anagu kolay baabuur ayaanu iibinaa oo quuto daruuri maaha waxayagu qofka aanu ka iibinayno ayuun buu fuulayaa culaysku laakiin, tan aan maanta ka hadlaynaa waa mid anaga noola muuqatay in ay tahay sharci daro Sababtoo ah waxa weeye waxa cashuur la yidhaa dowladda ayaa qaada ee dad gaar ahi ma qaado Waxanu halkan ka cadaynaynaa in ay tahay meel qof lugu naas nuujinaayo oo xaarana oo aanan anaguna ogolayin runtii $80 dollar maaha waxa anaga nugu badan ee laakiin, muhiimadu waxa ay tahay in ay lacagtaasi xaaraan tahay oo aanay ku dhacayin qasnada Dowlada ee qof shaqsi ah lugu naasnuujinaayo” ayaa ka mid ahaa hadalka Macdaarleyaasha.

Maxamed Yuusuf Aadan, oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isna sheegay in arrintani ku saabsan tahay Nin Qalabka gaadiidka dhigtay Geerash kadibna Baabuurta cusub intuu qiimeeyo odhanaya waxan baa ka dhiman ee iga Iibsada “Horta waxa aanu maanta wadanaa waa cabasho hadii maalinba nin la yimaado oo uu yidhaa halkan ii xidha, nin geerash leh ayaa intuu soo iibsaday qalab yar ayaa la yidhi ayuu leeyahay gaadhi kasta halkan hala mariyo oo $80 dollar ha bixiyo mulkiiluhu taasina waa xaraan oo meel dowladda leedahay maah ayaanu leenahay”

Dhawaan ayay ahayd markii Xukumaddu Hargeysa ka furtay Shirkad la sheegay inay qiimayn doonto tayada gaadiidka dalka soo galaya iyo waliba kuwa haatan shaqaynaya.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here